Khasaaraha Qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Xarunta nabad-sugidda magaalada Muqdisho

Muqdisho (Slpost)- Dhowr iyo toban ruux ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

qar

Waxaa qaraxa lala beegsaday meel u dhaw xarunta sirdoonka ee dowladda Soomaaliya.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ruux oo ka mid ah dadka dhintay ay ka tirasan yihiin ciidammada ammaanka.

Dad rayid ah: Dadka kale ayaa la sheegayaa inay ahaayeen dad rayid ahaa oo ku sugnaa maqaayadda qaraxa lala beegsaday.

Weerarrada ka dhacaya Muqdisho ayaa sare u kacay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Qaraxa ayaa imaanaya dhowr maalmood kaddib markii qarax la mid ah iyo weerarro lala beegsaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda ayaa sheegtay inay guddi heer wasiir ah u saartay weerarkii madaxtooyada.

qar Qarax Qaraxii

 

Somalilandpost.net

Office/Hargeysa/Somaliland