Qarax Is-miidaamin Ah Oo Lala Beegsaday Wasaaradda Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Ee Soomaaliya

Muqdisho, (SLP)- Qarax ismiidaamin ah ayaa maanta lala beegsaday dhismaha wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya oo ku taalla agagaarka is-goyska Zoppe ee Muqdisho.
Weerarkan oo aanay ciddi sheegan ayaa ahaa mid qorsheysan, iyadoo dad goobjoogeyaal ah ay warbaahinta u sheegeen inay jiraan qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay dad shacab ah oo ka ag-dhawaa goobta. “Gaadhi miinaysan ayaa qaraxa lagu sameeyay, uuro madow iyo qiiq ayaa ka kacay markiiba wasaaradda, waxaanan arkayay dad badan
oo waxyeello ay gaadhay,” ayuu yidhi goobjooge ku sugan goobta uu qaraxu ka dhacay.
Dhismaha wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare ayaa waxa ka ag-dhow goobo ganacsi iyo hoteello, iyadoo sidoo kale darbiga wasaaradda lagu iibiyo jaad, iyadoo xilligaas si aad ah loo kala iibsanayay jaadka.
Sidoo kale, xarunta wasaaradda ayaa waxa ku sugnaa shaqaalihii wasaarada qaarkood, iyadoo aan la ogayn qasaaraha kasoo gaadhay qaraxan, iyadoo ay sheegayaan wararka qaarkood in qaraxa ka dib la maqlayay rasaas badan oo dhacaysa.
Wixii warar kasoo kordha qaraxaas iyo qasaahaba ka dhashayba kala shabakada wararaka Somalilandpost.net.

 

Somalilandpost.net