Qarax Gilgilay Turkiga Oo Ay Ku Nafwaayeen 28 Qof Halka Lixdameeye Kale Cisbitaalada Loola Yaacay

Turky(Slpost)-Qarax wayn ayaa magaalo madaxda Turkiga ee Ankara ku dilay labaatan iyo siddeed qof, lixdan kalena way ku dhaawacmeen sida uu sheegay gudoomiyaha magaalada Mehmet Kilicla

nnnn

Warfaafinta waddanka ayaa sheegaysa in qaraxa lala beegsaday baabuur milatari oo maraya meel u dhow baarlamaanka.

Telefishinka Turkiga ayaa laga arkay qiiq wayn oo madow hawada Ankara dusheeda. dawlada Turkiga ayaa la dagaalamaysa Daacishi iyo waliba kurdiyiinta Suuriya iyo Turkiga labadan kooxeed ee danbe waa isku u jeedo waxaanay doonayaan inay qori caaradii kaga baxaan ka mid ahaanshaha Turkiga.