Qarax Gilgilay Dalka Turkyga Oo Weeraro Ay Mudooyinkii U Danbeeyay Ku Socdeen

Turky(SLpost)-Qarax ka dhacay goobta ugu weyn ee ay u dukaamaysi tagaan dalxiisayaasha ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof, sida ay ku warramayaan warbaahinta Turkiga.

Waxa ay sheegayaan in uu ahaa qarax uu fulilyay qof ismiidaamiyay kaasi oo ay sidoo kale ku dhaawacmeen lix qof oo kale.

Goobta uu qaraxa ka dhacay oo u dhaw wadada Istiklal ayaa lagu soo warramayaa in dabayaaqada todobaadka ay tahay meel aad u mashquul badan.Axaddii la soo dhaafay, qarax ka dhacay caasimadda Turkiga ee Ankara, ayaa waxaa ku dhintay 37 qof.

Kooxda hubeysan ee maleeshiyada Kurdiyiinta ee TAK ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.Kooxda TAK, oo ka go’day kooxda la mamnuucay ee Kurdiyiinta ee PKK, ayaa sheegtay in weerarkaasi ay uu ahaa aargoosi ku aaddan howlgallada milateri ee uu Turkigu ka wado deegaanada ay ku badan yihiin Kuridiyiinta ee koonfur bari dalkaasi.

Bishii la soo dhaafay, weerar bambaano oo lagu qaaday kolonyo milateri oo ka dhacay magaalada Ankara ayaa waxaa ku dhintay 28 qof waxaana ku dhaawacmay tobaneeyo qof oo kale.Oktoobartii horana, in ka badan 100 qof ayaa waxa ay ku dhinteen laba qarax oo lala beegsaday isu soo bax nabadeed oo ka dhacayay magaalada Ankara.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ay bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah sababtoo waxa ay ku guuldaraysteen halganka ay kula jiraan ciidammada ammaanka ee Turkiga.Waxa uu sheegay in weerrarada noocaas ah “ay sii kordhinayaan sida ay inooga go’an tahay in aannu la dagaallano argagixisada”.

Dowladda Turkiga ayaa horay ugu eedaysay Kurdiyiinta Suuriya in ay ka dambeeyaan qaraxyada waxa ayna ku qaadday weerraro cirka ah oo aargoosi ah.