“Qarannimada Somaliland Gor-gortan Ma Geli karto” – Unugga Waddaniyada Somaliland

Gogol dhig (Soo yaalkii Somaliland)

Dalka Jamuuriyadda Somaliland  waa dal soo jiray wakhtiyo badan oo taariikho kala duwan leh ,  ka hor gumaysigii , dadka deegaankani waxay ahaayeen dad xeer dhaqan isku maamula  bulshadiisuna ay kuwada noolaayeen  is ixtiraam nabbad  iyo is dhex gal xidid iyo xigto ah  iyadoo ay jireen maamulo dawli ah oo inta badan ka jiri jiray dhulka xeebaha .  Nuskii danbe ee qarnigii 19aad waxaa dalkani  qabsaday  gumaystihii Engiriiska oo ka tirsanaa reer Yurubkii qaybsaday dhulweynaha Africa ,  ayadoo ay jirtay in dhulka dadka afsomaliga ku hadlaa deggaan  loo qeybiyey shan qaybood oo ay kala maamuli jireen saddex quwadood oo  reer Yurub ahi . dadkii reer Somaliland ee dhulkan degganaa  waxay gumaystihii reer Engiriiska  la galeen  heshiisyo ay ka mid ahaayeen in aanu wiil caddaani ku dhalan dhulka Somaliland , in ayna guursan hablaha reer Somaliland   iyo in  ka baxaan dhulkani marka ay dalbadaan dadka iska leh dhulkani,   sidoo kalena magacii gumaysiga   loo bedelay ‘maxmiyad ’ taas  oo gayeysiisay in aan marnaba loola dhaqmin si dad la haysto ama la gumaysanaayo

unugga wadaniyaddaMuddo qarni ku dhaw markii uu joogay dhulkani engriisku , waxa dhalatay dabayshii xornimada ee Africa  , 1960 26 june waxa uu ka baxay dalkani gumaystihii Engiriisku , balso xornimadaasi may raagin ka dib markii dadkii reer Somaliland oo ahaa dad jeclaa soomaalinimada iyo midnimada dhammaan dhulyawga soomaalidu degto ay go’aansadeen  in ay midnimadii Somali  isku keenka bilaabaan oo walaalihii Somalia ee uu talyaanigu gumaysan jiray la midoobaan , taas oo ka dib dhalisay in ay kala kulmaan dulmi iyo tacaddi farobadan , taas oo dhalisay in ay noqoto in ay dib u galaan halgan ay iskaga dhicinayaan  dadkay walaalahood moodayeen balse ku noqday  gumaysi madaw  oo kaba darran kii caddaa, “isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye”  waa suugaantii bilawgiiba ka  curatay hagardaamadii maamulkii dhinaca ka rarnaa. Taas oo aakhirkii sababatay in diyaaradii Hargiesa ka kacday dib u duqayso magaaladdii taas oo ay noqotay taariikhda markii koobaad ee ay dawladi dadkeedii rushayso   ka dib halgan dheer oo dibu xorayn ah dadkii reer Somaliland waxay ku guulaysteen in ay dalkoodii gacanta dib ugu soo dhigaan ,  1991 dadkii reer Somaliland waxay shirweyne isugu yimaadeen maagalada Burco , halkaas oo dood iyo baaniso ka dib lagu go ‘aamiyey in dib loo soo celiyo  xorriyaddii lixdankii khasaartay  18 bishii May  ee sannadkaasna lagu dhawaaqay mar labaad Jamhuuriyadda Somaliland .  waxaa dib loo bilaabay dhismihii dawlladnimo , hadday noqoto , fulin , xeer dajin , iyo garsoorba , dhismihi kaabayaasha bulshada ayaa la bilaabay ,   waxaa la sameeyey qawaaniintii dalka oo uu ugu horeeyo dastuurka qaranku , kaas oo shacbiga Somaliland ku ogolaadeen in ka badan 97%. Taas oo lagaga soo gudbay nidaamkii qabaliga ahaa oo markii hore dalka lagu soo maamulaayey  , ka dib dalka waxa ka bilaamay nidaamka dimuquraadiyadda oo ilaahadda lagu soo doortay , madaxweyneyaal , gole baarlammaan iyo goleyaal deegaanba . taas oo ka dhigtay Somaliland iftiin ka dhex ifaaya  qaaradda Africa guud ahaan , gaar ahaanna geeska Africa.

 

 

Maanta  iyo Somaliland

Somaliland maanta waa dal ay u dhisanyihiin dhammaan wixii dawlad looga baahnaa , haday noqoto goleyaashii dawladda , ciidamada , lacagta iyo calanba . waa dal ay dadkiisu muddo badan bulshada caalamka ka sugayeen , garawshiiyo, waa dal ay ilaashanayaan bulsho ka war qabta wixii loo soo maray

Wada hadallada Somaliland iyo Somalia

Unnugga waddaniyadda Somaliland wuxuu aamminsan yahay shacbiga Somalilandna  wada aaminsanyihiin in ayna qaddiyadda Somaliland marnaba GORGORTAN GALI KARIN

Waxaanu leenahay wada hadalkaasi hadduuu yahay mid laga wada hadlaayo , sidii loo noqonlahaa laba dal oo jaar ah oo is ixtiraama  waanu soo daweynaynaa ,

Haddii uu yahay  sidaynu ugu kala baxnaa  wixii inaga dhaxeeyey  iyadana waanu soo dhaweynaynaaa

Balse marnaba yeelimayno in doodu ahaato   waanu go’aynaa iyo go’imaysaaan , waxaanu maamulka iyo masuuliyiinta qarranka u sheegaynaa in jiritaanka Somaliland  laga dhigin wax shaki ku jiro , wax huteel lagaga doodo iyo wax meel dhexe laga istaago toona

Jiritaanka Somaliland waxa uu ku dhismay rabitaan shacbi  kaasbaanu ku joogayaa ,

Mawqifka dhallinayru waaa in aanu ku difaacno rabitaanka shacbiga hadba halka ay taagantahay , haday qalintahay iyo haday qori noqotaba

Maamulka Somalia iyo difaacidda Gacanku dhiigle Cali Samatar

Cadaawadda iyo garawshiinyo la’aanta dawlad ku sheegta xamar xaafada ka mid ah joogtaa waata gayeysiisay in ay isku daydo difaacidda gacanku dhiigle afkiisa ka qirtay go’aamadii iyo  hawlagaladdii gumaadka shicibka ee uu fuliyey . Cali samatar oo ah ninkii afkiisa ka qirtay inuu isagu amray in la duqeeyo dadkii shacabka ahaa ee ku dhaqnaa magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo maanta dalka Maraykanka Qaxoontinimo ku jooga,  ayuu Saacid oo ku soo koray dhacii xoolihii  ummadda  maanta  doonayaa inuu si fudud uga badbaadiyo dacwadaha ku caddaaday ee  ay ku soo oogeen qaar ka tirsan dadkii uu ehelkooda xasuuqay, taasi waxay muujinaysaa in dagaalkii Somalia dalkani iyo dadkan ku haysay wali socdo ,hadayse isleeyihiin laydinma dareensana , habeen may jirin , saacidna waa la hayaa taariikhdiisa isaga iyo maslax siyaadna waxay ka midyihiinta  inta goor ay noqotaba maxkamad la soo taagaayo.

Unugga waddaniyaddu waxa uu difaacidda Cali samatar u arkaa Dagaalkii oo dib u bilaamay diyaarna waxaanu u nahay in aanu  ka qeyb galno oo safka hore ee dagaalka soo galno ka dhalinyaro ahaan .

Muddo harraadka 11 April ee dalka Belgium

Unugga waddaniyadda Somaliland  waxa uu si buuxda u taageerayaa banaan baxa ka dhacaaya maalinta khamiista dalka Belgium ee lagu taageeraayo  gooni isu taaga dalkan somaliand iyo  sida ay u tahay lama taabtaan qaranimada Somaliland gorgortana ayna u geleyn.

Waxa aanu aad ugu mahadnaqaynaa Jaaliyadda Somaliland society Europe oo abaabulka  banaanbaxan ka shaqaynaysa iyo dhammaan qurba jooga reer somalilad oo markasta si hagar la’aan ah u muujiya jiritaanka iyo madaxbanaanida dalkooda hooyo.

Diyaar Garawga 18 May 2013

Unugga waddaniyaddu waxa uu bulshada reer Somaliland gudo iyo dibbadba ku baraarujinayaa diyaar garawga iyo qaban qaabada xuska maalinta qaran ee 18May , unugga waddaniyaddu waxa uu bulshada ku boorinayaa in ay sidii hagar la’aanta ahayd ee ay awalba u abaabuli jireen weynaynta maalinta qaranka  u weyneeyaan , muujiyaanna xornimada iyo qiimaheeda

Ugu danbayen unugga waddaniyaddu waxa uu ku hambalyeynayaa madaxweynaha qaranka magacaabista guddidii qaran ee uu u xilsaaray qaban qaabada xuska 18may.

Goobadanimadu waa geed ku baxa dhiiga geesiga

Guul iyo gobanimo

Ebbaa Mahadle

Agaaasimaha unugga

Ahmed M Farah (Badeed)