Qarankani Waa ka Culus Yahay Mid Wasiir u Liica

 

Qaranimada Somaliland waa mid ku dhisan rabitaan umadeed oo marnaba gorgortan gali kairn iyo ka noqon toona, umadan reer Somaliland iyadaa ilaashanaysa waxay u soo goblantay, u soo dhimatay, u soo saxariirtay, u soo silicday.

Waxaan qalinka u qaatay inaan wax ka idhaahdo iscasilaada raxanta wasiirada ah ee baneeyey xilalkoodii ka dib markay shaqadii qaranka isu garan waayeen.

 

Is Casilaadu Waxay ka mid tahay Nidaamka Dimuqraadiga ah ee Dalka Somaliland ka Hirgalay dawladihii isaga danbeeyeyna ku soo caano maaleen, waxay bud dhig iyo aas aas u tahay nidaamka dawladnimo iyo in xilku wareegto yahay, waa xilkasnimada xubnaha xilka inoo hayaa inay iscasilaan haday shaqada qaranka isu garan waayaan, ama xilka laga qaado waana mid ka mid ah Sunnaha Dawladnimo iyo nidaamka dimuqraadiga ah ee Dalkeena Hooyo ka Hirgalay.

Hadaba haddii ay Masuuliyiin Xilal ka haya Dawlada ay Iscasilaan oo ay shaqada ka tagaan waa mid ay xaq u leeyihiin oo Dastuurka Dalkeenu uu u fasaxayo, hase yeeshee taas macnaheedu maaha in Qaranku uu burburayo oo dawladnimadeenii meesha ka baxayso waayo waxaynu nahay Qaran Dhisan oo ku taagan Jirrido adag oo uu Hogaaminayo Madaxweyne Rug Cadaa ah oo Aqoon iyo Waayo aragnimo u leh sifaha Qaranka loo hogaamiyo Xaalad kasta oo timaada iyo marxalad kasta oo soo waajahda looga baqan mayo buuxinta xubnahaas xilka isu garan waayeyna waa u rug cadaa iyo dad yaqaan qof walba ku saleeya halkuu ku haboon yahay.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu Shacbigiisa iyo Qarankiisa kala soo dabaashay Marxalado aad u badan oo aad u qadhaadhaa, waqtiyo ka  adag tan manta joogta ayuu dalkani soo maray oo ka soo gudbay, mudane siilanyo waa Halyeey Diyaar u ah inuu Qarankiisa iyo Shacbigiisa ku hogaamiyo Horumar, Nabadqab iyo Guul marxalad kasta oo jirta.

Cadawga Somaliland waxaa muhiim inay ogaadaan in Dalka Jamhuuriyada Somaliland uu yahay Qaran Dimuqraadi ah oo aanay wax dhib ah ku keenayn Masuul is casilaa iyo mid cadhoodaaba waxaanu u sheegaynaa in markii horeba masuulka isagoo shaqada ku diyaar ah xilka loo dhiibay maantana ay suuro gal tahay inuu tahli kari waayey sii wadida shaqada adag ee qarankan, nidaamka Dawladnimo ee Dalka Somaliland ka jiraana waa mid Jirrido adag ku taagan oo aanay marnaba ruxi karin dabayl siyaasadeed oo kasta oo timaadaa iyo mawjado isbadal oo xukuumada soo waajahaaba.

Waa hubaal masuul kasta oo xilka baneeya in badalkiisu imanaayo, umada reer Somaliland waxa la gudboon inay ilaashadaan nabad galyadooda iyo xasiloonidooda oo aanay cid dano gaar ah leh ku hodmin.

Qalinkii: Mohamoud Ahmed Hirsi ( figo)

Email: Mfigo04@gmail.com

Facebook: Mahamuud Ahmed

Tell: 0634447924