Qaranimada Somaliland oo waajahaysa Tijaabadii ugu weynayd, uguna dambaysay – W/Q: Xuseen Aadan Yuusuf (Kurdi)

Xuseen Kurdi
Xuseen Kurdi

Iyadoo Umadda Somaliland ay tan iyo markii ay dib ula soo noqotay Madaxbanaanideeda sanadkii 1991-kii ay la kulantay marxalado kala duwan oo adaygooda lahaa, dariiqa Nadaamka Dimuqraadiyadda ay u soo martayna uu culays badan lahaa, dalkana laga qabtay Doorashooyin kala duwan sida Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee 2002, Doorashooyinkii Golaha wakiilada 2005 iyo kuwii Madaxtooyada 2003 & 2010, qabsoomidoodiina ay keentay in beesha caalamku Somaliland ula dhaqanto qaab dawladeed ayaa hadana Doorashooyinka golayaasha Deegaanka ee dhowaan la qabanayo waxay u muuqdaan in ay yihiin kuwo ka miisaan weyn dhamaan doorashooyinkii hore sababao badan dartood.

Doorashooyinkan Golayaasha Deegaanku waxa ay qabsoomayaan iyadoo meeqaamkii Madaxbanaanida Somaliland wax weyni iska bedeleen oo tallaabo dheer hore loo qaaday oo beesha caalamku isla qaadatay in labadii Wadan ee midoobay sanadkii 1960-kii ay ka wada hadlaan mustaqbalkooda siyaasadeed. Waxa kale oo doorashooyinkani dhacayaan iyadoo dalka aynu jaarka nahay ee Somalia uu ka baxay hanaankii xukuumadaha ku meel gaadhka ah, isla markaana ay socdaan wadahadaladii aynu u maraynay Madaxbanaani taam ah oo aynu gaadhno, xilli weliba ay Somaliland gashay marxalad degenaansho ah oo taam ah ka dib markii dhowaan la xalliyey xiisaddii colaadeed ee mudada labada sano ka badan ka aloosnayd nawaaxiga Buuhoodle, raxmaddii deyrta ee sanadkanina ay ka hoortay guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka.

 Qabsoomidda doorashadani waxay tahay tijaabo adag oo ay Somaliland u marayso gaadhista himiladeeda iyo hadafka aynu tiigsanayno, maadaama hadii ay deganaansho ku qabsoonto lana wada aqbalo natiijada ugu dambaysa ay taasi ina gaadhsiin doonto duleedka doonisteena Qaranimo dhamaystiran, imtixaanka tijaabada ahna uu noqdo mid aynu ku gudubno oo aynu ka dhabayno inaynu nahay ummad maskax ahaan isku filan.

Ta labaad hadii ay wax inaga khaldamaan xitaa haday tahay hadal aan munaasib ahayn oo qof warbaahin ka sheegay ay taasi dib inoogu celin doonto meel aynu ka soo gudubnay xilli dheer ka hor, halka sidoo kalena Bulshada caalamka ee qiimaynta inagu haysaa ay inoo arki doonaan inaynu nahay umad aan waxba kaga duwanayn dalalka kale ee Afrka ee ay daashadeen deganaansho la’aanta siyaasadeed.

 Gudida Doorashooyinka Somaliland oo u muuqday inay yihiin gudida Doorashooyinka ee qaaradda Afrika tan iyo waxii ka dambeeyey markii ay hanaan dhaxalgal ahaa ku hirgeliyeen doorashooyinkii Madaxweynanimo ee Somaliland bishii June ee Sanadkii 2010. Ayaa waxay ugu horaynba qaadeen tallaabo muhiim u ah rabitaankeena maadaama ay bilowgii ololaha doorashooyinka ku beegeen 29 _Oct oo ay ka dhigeen maalin farxadeed maadaama ay ahaan jirtay  maalin Somaliland laga murugoodo tan iyo intii 29. Oct  sanadkii 2008  weeraro Qaraxyo ahaa oo xidhiidh ahaa lala bartilmaameedsaday Xarumo muhiim ah oo ku yaalla Caasimadda Hargaysa Sida Madaxtooyada Qaranka, Safaaradda Itoobiya iyo Xarunta Hay’adda UNDP.

Si ay Xeegona Xeego u noqoto ilkana u nabad galaan. Si aynu Doorashadeena u qabsano una tartano. Si aynu hawl adag u qabsano horena ugu sii socono waa maxay mas’uuliyadda inaynu qaadno la inaga doonayaa? Yaase leh mas’uuliyadaas?.

Mas’uuliyadda waxaa wada leh dhinacyo badan oo ay ugu horeeyaan Gudida Doorashooyinka qaranka, Gudiga Diiwaangelinta, Gudiyada Madaxa banaan ee dusha ka ilaaliya Doorashooyinka, Xukuumadda Somaliland, Axsaabta iyo ururada siyaasadda ee Tartamaya, Dadweynaha Diiwaangelin la’aanta ku codaynaya, hay’adaha Garsoorka iyo ammaanka, Goobjoogayaasha shisheeyaha noqonaya iyo dhinacyo kale.

Haddii aynu dhinacyadan midba mar soo qaadano Gudida Doorashooyinka qaranku waxay haystaan fursad labaad oo ay mar kale Somaliland wax weyn ugu qaban karaan, maadaama ay hore Magac ugu soo jiideen Somaliland iyo weliba tobaneeyo wadan oo kale oo ay tageen xiligii doorashooyinka laga qabanayey si ay ugu saxaan hanaanka ugu habboon ee Doorashadu is qabqabsi la’aan ugu qabsoomi karayso.

Gudida Doorashooyinku waxay haystaan kalsoonida dhamaan dhinacyada tartamaya maadaama la wada saxeexay heshiiskii ku saabsanaa hanaanka doorashadu u dhacayso iyo shuruudaha ay ku soo bixi doonaan Sadexda Xisbi qaran ee ku tartami doona Doorashooyinka dambe ee la qaban doono mudada Tobanka sano ah ee soo socota.

Gudida Doorashooyinku si ay uga soo dhalaalaan qaybta ay ku leeyihiin mas’uuliyadda aynu sheegnay talaabada keliya ee laga doonayaa waa inay shaqadooda u qabsadaan sidii looga bartay.

Xukuumadda Somaliland waa in aanay gacanteeda ka saarin hangoolka ay labadiisa faraar iskaga fogaynayso wax kasta oo eed u soo jiidi kara inta lagu jiro doorashadaas.

Ururada iyo Axsaabta tartamaya waa inay ogaadaan in hadii la tartamo la kala dheeraynayo. Natiijada gudida Doorashooyinku ku dhawaaqaana ay u gudbayso maxkamada sare ayna la leedahay dariiq iyo wakhti loo maro hadii wax laga tirsado.

Kormeerayaasha caalamiga ah iyo gudiyada wadaniga ah ee dusha kala socda doorashadu waa in ay naga ilaaliyan carrabka dalabta leh ee inta badan ay kaga hadlaan natiijooyinka Doorashooyinka wadamada Dunida sadexaad tusaale ahaan inay yidhaahdaan hadalada ay ka mid yahiin ((inkastoo Doorashadu aanay gaadhsiisnayn halkii laga rabay hadana waxay u qabsoontay hanaan soo dhoweyn mudan)) kelmadahaas oo muran ku dhex abuuri kara dhiacyadii tartamay, isla markaana hoos u dhigi karaa hadafkii sare ee ay Somaliland ka lahayd Doorashada.

W/Q Xuseen Aadan Yuusuf (Kurdi)

Xuskurdi@gmail.com4491178