Qaramada Midoobay Waa Ta Qayrkeed Ka Reebtay Somaliland Ee Wasaarada Duulista Iyo Hawadu Khalad Ma laha – W/Q: Mawliid Aadan Cumar

Mawliid Aadan Cumar

Mawliid Aadan Cumar
Mawliid Aadan Cumar

Waxaa Maalmahan warbaahinta dalka ku soo baxayay warar  sheegaya in hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan hawadu ay gacanta u galisay dalka somalia maamulka duulimaadyada  hawada somaliland iyo soomaaliyaba labada dalba.

Hadaba ujeedada mawduucan oo ah qoraal uu xisbiga wadani ku cambaareeyey wasaarada duulistu inay lumisay maamulidii hawada somalilad, waxaan leeyahay xisbiga wadani iyo cidkasta oo ilaalinaysa danaha qaranka somaliland , Waxa somaliland qayrkeed ka reebay waa qaramada midoobay ee oo ka hortaagan wixii ay xaqa u lahayd somaliland oo aqoonsi ah.
 Heshiiska hawada ee Somaliland iyo Soomaaliya cida jabisay waa Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawada (UNCAO) ee aanay ahayn wasaarada duulista ee somaliland.
Sidaa awgeed waxaan u soo jeedinayaa  Bulshada somaliland iyo Xisbiyada mucaaridka ahba in aynu dhaxdeena keenin arintan ee aynu meel uga soowada jeesano oo si wadajir ah aynu u cambaarayo Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawada (UNCAO).

Waxaa muhiim ah in muwaadinkasta oo somalilander ahi ka fikiro sababta qaramad midoobay ay malaayinta dollar ugu bixiso dawlada fadhiidka ah ee soomaaliya ee ay, Muranka iyo hadalka u galinayso isha dhaqaale ee somaliland u bidhiiqday ee ay inooga awdayso.

Hadaba waxaan ku dardaarayaa qof kasta oo somaliland ahi inuu ogaado in aanay qaramada midoobay ina kala xigin.

Waxa qoray Mawliid Aadan Cumar

Hargeysa/Somaliland.