Qaramada Midoobay oo Madaxweynaha Somaliya ku Caddeysay Eedaymo Maraykanku u jeediyey oo uu Dafiray

Addis Ababa (SLpost)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qiray jiritaanka fadeexad wasiirkii hore maaliyada ku dalbaday saxeexa Gudoomiyahii hore Baanka dhexe, dhinaca kalena beeniyey jiritaanka dhaliilo maamul xumo oo dhowaan uu u jeediyey madaxa Sirdoonka Maraykanka James Clapper.

Haseyeeshee, waxa dhaliilahaas uu sirdoonka Maraykanku u jeediyey Madaxeynaha si cad u qiray Ergayga Gaarka ah ee Xogahayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.

Xasan Sh MaxamuudMadaxweyne Xasan oo wargeyska Financial Times wax ka weydiiyey dhaliilo maamul-xumada lagu eedeeyey ayaa ku jawaabay, “Ma garanayo ilaha uu ka helay Mr. Clapper xogtaa, laakiin, ma arko wax khilaaf siyaasadeed oo maanta ka jira Soomaaliya, marka loo eego xilligii hore. Waxaan qabaa inay yihiin fikrado keligii ku kooban.”

Mar wax laga weydiiyey saamaynta iscasilaadii Gudoomiyahii hore Baanka Dhexe, Yusur Abraar, ku yeelatay xidhiidhkoodii qaadhaan-bixiyeyaasha iyo jiritanka khaladaad jira, ayaa ku dooday, “Waan la yaabay sida qaadhaan-bixiyeyaashu u saamaysay mushkilada iscasilaadii baanka Dhexe,” ayuu yidhi., Isagoo raaciyey dhinaca kale inaanu jirin wax khaladaad la sameeyey, balse ay jirtay dalab wasiirkii hore Maaliyadu kaga dalbaday inay saxeexdo Gudoomiyahii hore Baanka Yusur abraar account laga furayey Dubai oo lagu soo shubi lahaa dhaqaalaha wadamada carabtu bixinayaan.

Mar la weydiiyey weerar dhowaan diyaaradaha Drones qaadeen oo lagu bartilaameedsanayey Axmed Godane, balse ku dhintay nin kale, xilli ay ku socdeen ayaa sheegay,  “Godane waa hogaamiyaha siyaasada iyo ciidanka ee shabaab, dilitaankiisuna waxay keeni lahayd saamayn weyn.”

Dhinaca kale, madaxa UNSOM, Nicholas Kay, ayaa sheegay in kalsoonidii qaadhaan-bixiyeyaashu ku luntay musuqmaasuqa ka dhacay baanka dhexe. “waxa jira khilaafaad badan oo xilligan socda,” ayuu yidhi Key, una jeeda, isbedelkii dhowaan lagu sameeyey xukuumada, iyo guuldarada xukuumada ee ku dhaqanka dastuurka.

SOMALILANDPOST.NET