Qaramada Midoobay oo ka hadashay Mowqifkeeda Go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ku caydhiyey Raysalwasaare Cabdiwali iyo Xukuumaddiisa, talooyinna u jeediyey Madaxda dalkaas

Nicholas KayMuqdisho (SLpost)- Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ayaa soo dhawaysay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya kalsoonida kagala noqdeen Raysalwasaarihii hore ee Somaliya Cabdiwali Sheekh iyo Xukuumaddiisa, haseyeeshee waxa ay ka dayrisay in wada-shaqayn la’aanta iyo is-xag-gashada soo-noqnoqatay ee madaxda Somaliya ay caqabad ku noqoto hiigsiga dhinaca horumarka ee lagu taageero waddankaas.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada u Qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay, ayaa war-qoraal oo uu ka soo saaray Xafiiskiisa, waxa uu sheegay in Soomaaliya u baahan tahay wada-shaqayn iyo isu-tanaasul madaxdeedu la yimaaddaan, wakhtiganna loo baahan yahay sidii muddada uga hadhay dawladda Xasan Sheekh Maxamuud uga midho-dhalin lahayd yoolka beesha caalamku u calaamadisay horumar dalka Soomaaliya ka gaadho dhinaca siyaasadda oo ku muddeysan sannadka 2016-ka, xilligaas oo la qorsheeyey in Soomaaliga laga hirgeliyo nidaamka xisbiyada badan isla markaana laga qabto Doorashooyin ay shacabku codkooda ku doortaan madaxdooda.

Danjire Nicholas Kay oo Madax ka ah Xafiiska UNSOM oo uu wakiil uga yahay Qaramada Midoobay, ayaa war-murtiyeed ka soo saaray Xafiiskiisa magaalada Muqdisho, waxa uu ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan loo soo dhiso xukuumad cusub oo loo dhan yahay isla markaana ay madaxda Soomaaliya dejiyaan heshiis lagaga hortago khilaafaadka soo noq-noqda ee regaadiyey dawladnimada waddankaas.

“Soomaaliya waxay immika u baahan tahay ujeeddo siyaasadeed oo ku midaysan yihiin hay’adaha dawladda, hoggaamiyeyaasha iyo wakhti deggenaansho ah oo ay hesho. Dawladda iyo Baarlamaanku waxay u taala inay qabtaan hawl deg-deg ah oo muhiimaddeeda leh si ay Soomaaliya uga caawiyan inay hesho tadawur laga gaadho dhinacyada siyaasadda, nabadgelyada iyo horumarka muddada 21 bilood ah ee ka hadhay xilliga la hiigsanayo,” Sidaas ayuu yidhi Nicholas Kay.

“Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada Soomaaliya waxa ay rejaynaynayaan in sida ugu dhakhsaha badan loo dhiso xukuumad loo dhan yahay oo dadka ka wakiil ah. Waxaan rejaynayaa marka la dhiso Xukuumad Cusub in madaxda Soomaaliya ay heshiis ka gaadhaan sida looga hortagi karo dhibaatooyinkan iyo degganaansho la’aanta siyaasadeed ee musqbalka iman kara.”

Mr Kay waxa uu baaq u jeediyey Madaxda Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Waxaan ku faraxsanahay in baarlamaanka Federaalka ay immika awoodi karaan inay diirradda saaraan hawl-qabadka iyo shuruucda looga baahan yahay si ay u dejiyaan xilliga kala-guurka siyaasadda Soomaliya, gaar ahaan shuruucdii lagu aasaasi lahaa Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka, Xuduudaha iyo Guddiga Federaalka.”

“Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay inay la shaqayso dawladda Federaalka, shacabka iyo madaxda Soomaaliya si looga midho-dhaliyo ujeeddooyinka iyo yoolka la hiigsanayo 2016-da,” Sidaas ayuu Jire Danjire Kay.

SOMALILANDPOST.NET