Qaramada Midoobay oo Ergay Cusub u Magacaabatay Soomaaliya

 

Muqdisho(SLpost)-Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ayaa ku dhawaaqay magacaabista Michael Keating oo u dhashay dalka Ingriiska inuu madax ka noqdo barnaamijka lagu taageerayo Somaliye ee UNSOM.

Michael Keating ayaa bedeli doona Nichols Kay oo isaguna ka soo jeeday dalka Ingiriiska in badanna Somaliya ka soo shaqaynayay.

Xoghaya guud ee QM ayaa ku bogaadiyay Mr Key hoggaamintii iyo shaqadii uu ka soo qabtay Somaliya mudadii 2 sanno ahayd ee uu xilka ka hayay.

Ergayga QM ee Soomaaliya imika jooga, Nicholas Kay ayaa waxay  shaqadiisu ku eg-tahay bisha nagu soo fool leh ee December, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeya uu xilka la wareegi doono danjiraha cusub ee QM, Michael Keating.

Michael Keating ayaa hore uga soo shaqeeyay arimaha bini’aadannimada iyo dib u kabashada dalka Afghanistan,Badhiga dhexe iyo Afrika oo uu madax ka ahaa “Chatham House” aqalka cilmi baadhista oo uu xilkaasi hayay ilaa sannadkii 2012-kii.

Dhanka kale, wuxuu horay QM uga soo qabtay xilal kala duwan; isagoo kasoo shaqeeyay dalalka kala ah; Malawi, Gaza/Jerusalem, New York, Afghanistan iyo Pakistan. Dhanka shaqooyinka gaarka ah wuxuu kasoo shaqeeyay shirkado gaar loo leeyahay; isagoo inta badan ka howlgeli jiray arrimo ay ka mid yihiin xuquuqda aadanaha iyo barnaamijyada horumarinta.

Michael Keating waxa uu wakhtigan ahaa la taliyaha gaar ah ee wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Siiriya.

Dhinaca waxbarashada wakiilkan Somaliya loo soo magacaabay waxa uu haystaa MA-Cilmiga Taariikhda oo uu ka bartay jaamacada Cambridge isagoo dhashay sannadkii 1959.