Qaramada Midoobay Oo Cambaareeyay Duqeynta Sucuudiga Ee Waqooyiga Yemen

Sacda, (SLpost)- Xidhiidhiyaha gargaarka qaramada midoobay ee dalka Yemen Johannes Van Der Klauuw ayaa cambaareeyey duqeynta aan kala joogsiga la hay nee ay waqooyiga dalkaas ku hayaan is-bahaysiga Sucuudigu, taasoo uu ku tilmaamay inay ka horimanayso shuruucda caalamiga ah.Yemen

Madaxa gurmadka degdega ah ee ururka dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn ee MSF ee waqooyiga Yemen Teresa Sancristóbal, iyadoo ku sugan Sacda ayay duqeyntu ka bilaabantay halkaas, waxaanay sheegtay in duqeyntu ay ka dhacaysay agtooda, isla markaana ay maqashay xalay oo keliya in ka badan 20 qarax. “Xalay duqeyntu way xooganayd qiyaastii 20 qarax ayaan maqlay oo agagaarka cusbitaalka ah, wadooyinka oo dhami waa cidlo.” ayay Ms. Teresa Sancristóbal oo la hadashay wakaallada wararka AP.

Weerarka ayaa xoogeystay, ka dib markii mucaaradkU ay duqeeyeen dhulka SUcuudiga, goobo ka yara durugsan xuduudda.

Sucuudiga waxa uu sheegay in ay u aqoonsan yihiin dhammaan waqooyiga Yaman ee gobolka Sacda inay tahay dhul dagaal, waxayna rayidka u sheegeen inay halkaasi ka baxaan.

Somalilandpost.net