Qaramada Midoobay Ku Baaqday In Liiska Aqalka Sare Ee Somalia Laga Saaro Hoggaamiye Kooxeedyadii Hore

Michael Keating, pictured in a May 2011 epa file photo from Kabul, is to head the UN assistance mission to Somalia. EPA/S. SABAWOON +++(c) dpa - Bildfunk+++

(SL.Post) Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Danjire Michael Keating, ayaa ugu baaqay maamulada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland in ay ka reebaan xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka xubno uu ku sheegay inay ka mid ahaayeen Hoggaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya.

Michael Keating, pictured in a May 2011 epa file photo from Kabul, is to head the UN assistance mission to Somalia. EPA/S. SABAWOON  +++(c) dpa - Bildfunk+++
Michael Keating, pictured in a May 2011 epa file photo from Kabul, is to head the UN assistance mission to Somalia. EPA/S. SABAWOON +++(c) dpa – Bildfunk+++

Danjire Keating oo mid ka mid ah ayaa si gaar ah Maamulka Galmudug uga Dalbaday inay liiska xubnaha Aqalka Sare ee la doortay ka saaraan Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).

Sidoo kale, Ergayga QM ee Somalia ayaa Warbixintiisa ku sheegay in horay loogu gaagay heshiis in hohgaamiye kooxeedyadii hore ee Dalka laga reebo xubnaha Aqallada Hoose iyo Sare ee Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Qoraalkan oo maalin ka hor la diray, ayaa haddana shalay waxaa xubnaha ku guuleystay Aqalka Sare ee Galmudug ka mid ahaa; Jen. Cabdi Qaybdiid oo laga ka mid ahaa dadkii laga digay in Aqalka Sare loosoo doorto.

Maamulka Galmudug ayaa dhankooda sheegay in qoraalkan uu soo gaaray xilli la doortay Jen. Cabdi Qaybdiid, inkastoo aysan sheegin Sida ay ka yeelanayaan Qoraalkan Wakiilka QM ee Somalia kasoo baxay.

Geesta kale Maamulka Puntland iyagana loogu baaqay in ay Liiska Xubnaha Aqalka Sare ay ka saaraan Jen. Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo isagana mid ahaa dowladdii millteriga ahayd iyo hoggaamiye kooxeedyadii Dalka ka jiray xilliyadii dagaallada sokeeye.

 

Somalilandpost.net