“Qaramada Midoobay Ammaan Ku Heli Maayaan Meel Ka Mid Ah Soomaaliya” Al-shabaab

Muqdisho, (SLP)- Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo ka hadlayay weerarkii Isniintii aynu soo dhaafnay lagu qaaday gaadhi waday shaqaale ka tirsan kuwa Qaramada Midoobey ee ka hawlgala Puntland ayaa sheegay inaanay jirin meel ay ku badbaadayso Qaramada Midoobay.

Cali Dheere ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay hormood ka tahay duullaanka lagu soo qaaday Soomaaliya, isla markaana aanay shaqaalahoodu marna badbaadi doonin.Cali Dheere

“Kuwa sheegta Qaramada Midoobay amni kuma helayaan Soomaaliya inta ay joogaan, waxayna dhadhamin doonaan rasaasteenna” ayuu afhayeenku ku sheegay wareysi uu siiyay uu warbaahinta taageerta kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale, afhayeenka Al-shabaab wuxuu ka digay in shaqaalaha Qaramada Midoobey ay sii joogaan Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay qayb ka yihiin dhibaatooyin lagu hayo dadka Soomaaliyeed sida uu wareysigiisa ku sheegay.

Weerarkii ka dhacay Garoowe ayaa waxaa ku dhintay shaqaale Soomaali iyo ajinabi isugu jiray oo u shaqeynayay hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay, kuwaasoo gaadhigii waday qarax lala beegsaday xilli uu doonayay inuu galo dhismaha Qaramada Midoobay ay ku leedahay Garoowe.

Ugu dambayn, Kooxda Al-shabaab ayaa hore uga mamnuucday inay deegaannada ay ka taliyaan ka hawlgalaan hay’addaha Qaramada Midoobay iyo kuwa samofalka qaarkood oo ay ku eedeeyeen inay basaasiin u yihiin dalalka reer galbeedka, dawladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Si kasta ha ahaatee, maaha markii ugu horeysay oo ay weerarro kala duwan la beegsato Al-shabaab shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku sugan, iyagoo sannad ka hor weeraray dhismaha UNDP ee Muqdisho oo ay ku dileen shaqaale ajaanib iyo Soomaali isugu jiray.

 

Somalilandpost.net