QALINJABINTII QOOMAMADA LAHAYD !

Waxa lagu jiraa bishii September oo ah bisha sagaalaad ee sanadka oo ah wakhtiga ay dib u furmaan dugsiyada dowlada iyo Jaamacaduhu, September waa bil ku caan baxday sheekooyin waxbarasho la xidhiidha oo ay is waydaarsadaan dhalinyarta ku sugan Somaliand. waa bil ku suntan taariikhda jiilka cusub ee waxbarashada Somaliland waayo waxa ku beegan wakhtiga la soo dhajio ama lagu dhawaaqo natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad dugsiga dhexe iyo fasalka 4-aad ee dugsiga sare.

sidoo kele isla bishani waa bisha ay ardaydu iska diwaangaliso ama ku biiraan Jaamacadaha kala duwan ee ku yaala gudaha dalka, halka ardayda awooda u lihi ay ka beegsadaan Jaamacado dibadeed. inta lagu

gudo jiro bisha sagaalaad waxa qabsooma badiba xafladaha qalin jabinta ee Jaamacadaha dalka adiga oo maalmo badan oo kala duwan dhagahaagu maqlayaan maanta waxa qalin jabisay Jaamacad heblaayo iyo shalay waxay ahayd qalin jabintii ardayda dhigata Jaamcad heblaayo.  bisha sagaalaad waxay  kulmisaa farxado iyo naxdimo kala duwan oo ay la kulmaan da’yarta waxbarashasada ku jirtaa.

September farxadaha ay koobsatay ee ay kala kulmaan jiilka waxbarashadu waxa ka mid ah iyada oo ay sanad kasta kumanaan kun oo arday ka qalin jabiyaan dugsiga sare kadib markii ay mudo 12-sano ah naf iyo maalba usoo hureen waxbarashada mudada dheer ee salka ku haysa ama laga soo min-guuriyay manaahijta reer galbeedka.

farxadaha kale ee la taaban karo waxa ka mid ah qalin jabinta ardayda Jaamacadaha oo sanadba sanadka ka danbeeya sii badanaysa oo hadii aad ka qayb gasho xafladaha qalin jabinta ee sida wacan loo agaasmiay indhahaagu qabanayaan muuqaalo ku farxad galiya, sidoo kale hadii aad aad booqato baraha bulshaa ee Internet-ka waxad ku arkaysaa  kumanaan da’yar ah oo ku labisan dirayska qurxoon ee astaanta u ah qalinjabinta Jaamacadaha. waxa kale oo indhahaagu taabanayaan muuqaalo ku qiiro galinaya oo ay ka muuqdaan arday iyo waalidiintii dhashay oo ku wada jira sawiro farxadeed laga soo ururiyay xafladaha qalin jabinta ee Jaamacahadaha.

dhan kasta oo aad ka eegto waa wax lagu farxo in aad sanad kasta aragto kumanaan da’yar ah oo ka soo baxaysa Jaamacaadka kala duwan ee dalka iyo dibadaba, waxanay taasi ku siinaysaa in lagu taagan yahay dhabihii horumarka iyo tubtii qumanayd ee qaran lagu hinjin lahaa horena loogu wadi lahaa.

dhanka kale waxa jiro arin naxdin ah oo lid ku ah waxyaabaha wanaagsan ee ay sare ku soo xusnay waana arin  si toos ah u taabanaysa quluubta qof kasta oo muwaadin ah. arinta naxdinta leh ee jirta ayaa ah marka ay da’yartii shalay loo cumaamaday aqoonta ay barteen ee loogu xafladeeyay ay  iyaga oo koox koox ah shirar hoosaad ku yeeshaan makhaayadaha lagu caweeyo iyo goobaha da’yartu ku kulanto iyaga oo ku showraya ama ku tashanaya sidii ay dalka uga haajiri lahaayeen.

talada ka soo baxda shirarka da’yartu waxay salka ku haysaa shaqo la’aan iyo mustaqbal xumo iyo rajo la’aan soo foodsaarta qalinjabinta ka dib. aqoonyahanka jiilka cusubi wuxu badiba ka midaysanyahay  in aanay dalka oolin shaqo isla markaana ay daruuri tahay  in ay haajiraan oo ay wadamo shisheeye ka doontaan nolol ay ku  tuhunsanyihin in ay uga nacfi badantahay mida ay ku haystaan gudaha dalka.

go’aamada ka soo baxa talada ay gooyaan aqoonyahanka casrigii waxa ka dhasha ficilo aan la mahadin oo lid ku ah jiritaanka ummada iyo Diinta. da’yartii farxada aqoonta ay barteen u damaashaadasay waxay  bilo gudohood ku dareeraan badaha iyo kulaylka saxaraha waqooyiga Africa iyaga oo  uurka ku haya in ay yurub kala kulmi doonaan nolol ka fiican mida dalka taala. laakiin natiijada ka soo baxda safarka qalafsan ee ay ku tacabiraan da’yartu waxa ka dhasha caawaaqib xumo iyo aaye daro aan laga soo kaban karin mudada ka dhiman cimriga qofka, tiro ka mid ahi waxay ku dhimataa haraadka iyo gaajada kasoo gaadha kulaylka saxaruhu leeyahay, tiro kalena waxa jidhkooda qayb qayb u iibsada nimanka magaca la baxay (Magafe) ee gacanta ku dhiga habqanka da’yarta aan waligood darxumoon ee tacabirka wakhtiga dheer caguhu ku biyo galiyeen.

Tirooyin kale waxay ku xidhan yihiin xabsiyo aan dowalad adag oo daryeesha lahayn oo ku yaala dalka Libiya, halka tiro kale ay ku naf waydo bada dhexe ee kala qaybisa Yurub iyo Africa, ugu danbayna tiro kooban oo dhaafta dhibaatooyinka is daba taxan ayaa gaadha xeebaxa dalka Talyaaniga iyaga oo sidi xoolaha lagu xereeyo  xeryo qoxooti ku meel gaadh ah oo aan lahayn adeeg wacan. hadaba waxa jirta tiro kooban oo nasiib u hela in ay ka baxsadaan dalka Talyaaniga oo gala wadamada yurub ee dhaqaale ahaan ka jeeb roon dalka Talyaaniga oo la kulma nolol dhaanta mida Talyaaniga ka jirta, inkasta oo aanay marnaba helay nolol u dhiganta midii ay ku haysteen dalka gudihiisa.

dhibaatadan aynu sheegnay ayaa ah mid si guud u taabatay bulshada Soomaaliyeed meel ay joogtaba waxanad arkaygaa da’yar ka soo jeeda gobolada soomaalidu degto oo dhan  oo dhamaan ku hadaaqaya sidii ay mar uu cagta u saari lahaayeen dhul shisheeye. iyada oo dhanka kale aad arkayso waalidiin aan dhaqaale ahaan awoodin wax ka badan waxa ay afka galinayaan oo xaraashaya guryihii ay ubadka ku soo koriyeen marka loo soo sheego in wiilkii ama gabadhii ay dhaleen lagu haysto Saxaraha Libya iyo Sudan u dhexeeya.

hadaba ma ogtahay aqoonyahan in waalidkaa kugu soo tabcay ugu yaraan 15-sano oo waxbarasho ah iyo noloshaada intii aad jirtay oo dhan.

ma ogtahay aqoonyahan in waalidkaa ay naawilayeen maalin maalmaha ka mid ah ay arkaan beertii ay ku tabceen oo midheheedii bislaaday, ma ogtahay aqoonyahan in aad tahay maskax cusub oo kusoo biirtay bahda aqoonyahanka oo doorkeeda ka qaadan karta horumarka waxbarasho iyo bulsho ee dalka.

ma ogtahay aqoonyahan in aad tahay qof aan laga maarmi karin oo loo baahan yahay, aqoonyahan ma garowsantahay hadii aanad aqoonta lagu baray dadka iyo dalka wax ugu qaban in ay tahay dayn lagugu lahaa oo aanad bixin.

ma ogtahay aqoonyahan in qiimayn karaamo aad dadka dhexdooda ku hesho magacaaga oo laguugu yeedho ay kugu danbayso maalinta aad dalkaaga hooyo ka ambobaxdo ee aad cagta saarto wadan shisheeye, ma ogtahay in aad nolosha ka soo bilaabayso caruurnimo adigoo heer jaamacadeed ama dugsi sare hore u gaadhay.

aqoonyahan aqoonta aad baratay yay noqon mid kuu horseeda oo ku tursta ceebaha iyo dhaliilaha dalkaagu leeyahay, laakiin ha noqoto mid kuu bildhaamisa sidii aad horumarka iyo hawsha qabyada ah darafkaaga u qaban lahayd ee ula hinjin lahayd cidii ku hawlan.  ugu danbayn aqoonyahan waxan kugu baraarujin lahaa in aad tashato oo aan laguu talin, in aad is maamusho oo aan lagu maamulin.

Qalinkii:  Maxamed Cumar Jibriil (MOJ)

Contact mx7lee@gmail.com, 063-4427831