Qalin Saxmay iyo Saadaal Rumawday

Sacad Qodaal-Joog
  • Siciid Qodaal-Joog

    Qurba joog iyo qodaal jooguba

  • Laba weeyi qiraala
  • Inay qayb ka yihiin
  • Qarankan manta aan joogno
  • Qormo ay ku kulmeena
  • Salaam qiima lahoo
  • Qalbi saafi ahi dhiibay
  • Qosolna ay ku dareen
  • Qaxwihiina la raacshay
  • Waxay soo qadimeen
  • Kaftan qaayo lahoo
  • Taladii qarankeeniyo
  • Quruskooda ku saabsan

Qurba joog: Maanta farxad ayaa wajigaaga ka muuqata maxaad la kulantay .

Qodaal joog:  Farxad badanaa qalinkaaga oo saxmaa iyo saadaashaada oo rumawdaa.

Qurba joog:  Ii sheeg aan kula farxee waxan kaa farxiyay wax ka wayne.

Qodaal joog: Iinaba maxasuusan kartaa maqaalkii ciwaankiisu ahaadhamaadkii mudada sharciga ahayd ee golaha wakiilada .

Qurba joog: Haa waan xasuusanahay oo waxuu ku soo baxay wargaysyada ogaal iyo saxafi iyo shabakada wararka ee gabiley news waxaynu si qoto dheer u qaadaa dhignay aragtidii iyo afkaarihii kala duwanaa ee dhamaan82 ka mudane ee golaha wakiilada mudadii sharciga ahayd ee golaha wakiiladu jiray maqaalkaasi oo ku beegnaa 14/11/2010 anigoo kaa korodhsaday wax badan oo iga qarsoonaa .

Qodaal joog: inaba ma xasuusan kartaa su,aalihii wadar iyo waaxiba aad iga waydiisaydgolaha wakiilada .

Qurba joog:  Anigoo raadinaya xogihii iga qarsoonaa waxaa jira mudanayaal deegaanadii laga soo doortay qoodh ka ah balse marka golaha dhexdiisa la tago aan kaalin firfircoon kaga  jirin safka  hore ee doodaha  iyo rayi dhiibashada waxaa kale oo jira  mudanayaal deeganadii laga soo doortay ay u arkaan waxma tare iyo mid aan waxba u soo goyn oo lagu khasaaray keebaad is odhan lahayd dhamaan mudanayaasha golaha wakiilada waa mudanaha ugu aragti dheeraa uguna aragti fogaa mudaa shanta sano ahayd .

Qodaal joog:  Aad baad u xusuus dheertahay waana arinka iga farxiyay iyo saadaasha ii rumawday waana mudanihii ugu ildheeraa magaciisu ha joogee madaxiisuna ha raagee  waa mudanahan uu madax wayne siiraanyo u magacaabay wasiirka arimaha gudaha waana maxamed nuur caraale (duur)

Qurba joog:  Imikaan aad u fahmay farxadaada manta waxaana kuu rumawday saadaashaadii hore maxaase maanta aan kula dardaaranaa wasiirka cusub

Qodaal joog:  Waxaan kula dar daarmaynaa in uu ka leexdo wadooyin badan oo wasiirkii ka horeeyay uu qaaday waxaanan uga digaynaa in uu uu lamacaamilo oo lagu tuhmo goloyaasha deegaanka dalka ee shaqadooda ku fashilmay ee mudo dhaafka ah mar kale waxaan uga digaynaa in  lagu tuhmu difaaca masuul loo haysto tuhun lunsi hanti qaran mar kale waxaan kula dar daarmaynaa in uu xooga saaro sugida amniga iyo dhaqan galinta shuruucda dawliga ah iyo la xisaabtanka mas,uuliyiinta dhamaan dagmoonyinka dalku ka koobanyahay .

Waxananu ilaahay uga rajaynaynaa xilaka culus ee loo magacaabay inuu ilaahay u fududeeyo .

Wabilaahi tawfiiq.

  • Qalinkagu waa hanad
  • Runta kama qaloodoo
  • Xaqa wuu qotomiyaa
  • Daacaduu quweeyaa
  • Qunyar socdna wee yaan
  • Ruux kastoo qab waynoo
  • Quwad sheeganaayuu
  • Qaladkiisa sheegaa
  • Arimaha qarsoon iyo
  • taladii qaloocdee
  • dalka lagu qasaayuu
  • qaawiyaa warkeedoo
  • qarankuu difaacaa.

Waxa qoray sacad maxamuud gadhle .

Tel: 4669910    

qodaaljoog1@gmail.com