Qaliin dib loogu hagaajinayo wejiga gabadh Reer Somaliland

ayaan mohamedBrisbane (SLpost)- Gabadh reer Somaliland ah ayaa la sheegay inay fursad u heshay qaliin lacag la’aan ah oo loogu soo hagaajiyo muuqaalka wejigeeda oo hore xabad ka haleeshay xilligii dagaalada rajiimkii Siyaad Barre.

Gabadhan oo lagu magacaabo Ayaan Maxamed oo 25 jir ah ayaa la sheegay in dhibaatada muuqaalka isbedelay ee wajigeeda u dheerayd dhibaato ka haysatay cuntada, cabitaanka iyo isku qabadka isheeda midig.

Adna Adan ismaaciil oo wehelin doonta gabadhan ayaa la sheegay inay u socdaali doonto magaalada Brisbane wiiga soo socda, si qaliin loogu hagaajinayo wejigeeda loogu sameeyo, taasoo u saamaxday taageerida ururo, qaadhaan bixiyeyaal iyo khubarada caasimada Queensland.

Agaasimaha cusbitaalka Wesley Hospital Luis Prado ayaa sheegay inay kafaala qaadeen kharashka jiifka, qolka qaliinka iyo kharashaadka kale ku baxaya gabadhan.

“Marwo Adna dedaalkeeda bani’aadminimo, kartida bulshada halkan joogta iyo dibedaha isugeyntooda ayaa dhalisay in Ayaan timaado Brisbane,” ayuu Dr Prado sheegay.

Qaliinkan oo la filayo in 22 bishan loo sameeyo Ayaan ayaa qaatay muddo dheer, ka dib markii xukuumada dalkaasi u diiday fiise caafimaad bishii March sannadkii hore.

Wasiirka Socdaalka, Scott Morrison ayaa aakhirkii ogolaatay dalabka fiisaheeda, ka dib markii mar labaad dalabkeeda fiise loo xareeyey bishii Oktoobar sannadkii hore.

SOMALILANDPOST.NET