Qalalaasihii maanta ka dhashay xoog ku-rarista Shacabkii Deggenaa Dhakhtarka Jajabka oo Galaaftay Xoghayihii Dawladda Hoose ee Hargeysa

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Caraale Duur ayaa maanta xilkii ka qaaday Xoghayihii Dawladda Hoose ee Hargeysa Deeq Xirsi Cambuur ka dib hawl-galkii maanta Dawladda Hoose ka fuliyey goob ka tirsan guryaha dawladda oo si khasab ah shacab deggenaa looga raray.

Wasiir Duur ayaa isla markiiba booska xoghaya Dawladda Hoose u magacaabay ku-xigeenkii Badhasaabka Hargeysa Mawliid Aadan Waris oo daqiiqado ka hor iska casilay xilkii guddoomiye xigeenka Gobolka Hargeysa.

XOGHAYA XILKA LAGA QAADAY DEEQ XIRSI

Xoghaya xilka laga qaaday oo uu magacaabay wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa xilka hayey muddo sannad iyo badh ah waxaana lagu xusuustaa eedaymo iyo dhalleecaymo loogu jeediyey musuq-maasuq iyo isaga oo ka dhago-adaygay baadhista lunti hanti-qaran oo Hanti-dhawraha Guud ee Qaranku ka dalbaday.

Xoghaya Cusub ee dawladda Hoose loo magacaabay Mawliid Aadan Waris  oo ay isku beel yihiin masuulka xilka laga qaaday, waxa uu xilka ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa hayey tan iyo intii ay xukuumadda talada haysaa ku guulaysatay Doorashadii Madaxweynaha ee dalka ka dhacday

Ka sokow Doorashada Xisbiyada ee ay ku yimaaddan xubnaha golayashaasha deegaanka, Xoghayaha Golaha Deegaanka waxa soo magacaaba Dawladda Dhexe oo uu u matalo xubin Fulineed oo isku xidha hawlaha D/hoose iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay hoos yimaaddaan dhammaan golayaasha Deegaanka ee dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net