Qadar Oo Lagu Eedeeyay Tacadiyo Ka Dhan Ah Shaqaalaha Soo Galootiga Ah

Doha, (SLpost)- Hay’adda u dooda xuquuqda aadamaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in loo baahan yahay in Qadar ay wax badan ka qabato xaaladda ay ku sugan yihiin soo galootiga ka shaqeeya dalkaasi, inta ay ku guda jirto isku diyaarinta marti-gelinta tartanka kubadda cagta ee dunida ee 2022-ka.Qadar

Amnesty waxay sheegtay in xukuumadda Qadar ay horumar yar ka gaadhay ballan-qaadyadii ay samaysay sannad ka hor.

Waxay sheegtay in shaqaalaha soo galootiga ah weli lagu xidho inay fasax waydiistaan qofka shaqaaleeyey ka hor inta aanay ka tagin dalka ama aanay bedelan shaqooyinka.

Waxay intaasi ku dartay in isbedelkii ugu muhiimsanaa oo ahaa qaabka lacagaha loo siiyo soo galootiga shaqeeya, loo meel mariyo si gaabis ah.

Dawladda Qadar ayaa sheegaysa in isbedelo waaweyn la hirgelin doono ka hor dhamaadka sanadkan.

Somalilandpost.net