Qadar Oo Deeq Waxbarasho Siisay Wiilkii Yaraa ee Hal-abuurnimadiisu Dunida soo Jiidatay

 

Axmed Maxamed With Obama

Doha (SLpost)- Wiilkii Muslimka ahaa ee dalka Maraykanka u dhashay, balse asal ahaan Suudaaniga ahaa, loona xidhay bishii September saacad uu gurigooda ku sameeyey oo uu dugsiga u soo qaatay, kadib markii loo maleeyey in ay tahay bamboo, ayaa dawladda Qadar ay ugu deeqday waxbarasho bilaash ah oo ilaa heer jaamacadeed ah.

Axmed Maxamed oo 14 jir ah, ayaa qoyskoodu ku dhawaaqeen in ay u guuri doonaan magaalada qadar, kadib markii uu Salaasaadii toddobaadkan dhawr saacadood wiilka iyo qoyskiisu ku qaateen Guriga Cad oo Madaxweyne Barack Obama ku casuumay, kana socotay xaflad la yidhaa habeenka cir bixiyeenka.

Wiilkan yare e maskaxda badan oo adduunka qisadiisu soo jiidatay, kadib markii bishii September loo xidhay saacad uu sameeyey, kadib markii boolisku u maleeyeen in wiilkan Muslimka ah uu argagaixisada ku lug leeyahay.

 

Axmed Maxamed waxa uu aqbalay dalab uga yimi hay’adda Qadar Foundation oo bilawday barnaamij lagu kobcinaayo aqoonta ubadka hal-abuurka leh.

 

“Tan macnaaheedu waa in qoys ahaan aannu u wareegi doono Qadar, halkaas oo uu Axmed ka helay deeq waxbarasho oo ilaa heer jaamacadeed noqonaysa,” ayaa lagu yidhi warmurtiyeeed qoyskan soo saaray.

Maxamed waxa uu magaalo Madaxda Qadar ee Dooxa booqday horraantii bishan, isagoo waliba safaro kalena ku galaa bixiyey meelo badan oo adduunka ah, iyadoo ay soo dhaweeyeen masuuliyiin aad u sarreeya sida Madaxweyna Suudaan Cumar Al Bashiir.

Sidoo kale, war-murtiyeed hay’adda Qadar Foundation ka soo baxay Salaasadii waxa lagu sheegay in barnaamijka Hal-abuurka Da’da yar (Young Innovators Programme) lagu dhiirigelinaayo da’ yarta, aqoontoodana lagu kobcinaayo si ay hal-abuurkooda u horumariyaan.

 

“Aad baan ugu farxay wax kasta oo Qadar iigu deeqdan, waliba goobta la degaya aad bay ii cajibsay. Waxa aan u tegaya in aan la kulmo ubad kale oo iyaguna xiisaynaaya sayniska iyo tiknoolajiyada. Waxa aan rajaynaya in aan baran doono wax badan, farxad badana aan halkaas ka heli doono,” ayuu yidhi Axmed Maxamed oo ka dareen celiyey deeqda waxbarasho ee uu Qadar ka helay.

Geesta kale, habbenimadii Isniinta ayaa Madaxweyne Obama uu kulan gaaban la qaatay wiilkan yar, isagoo waliba ku lammaan arday badan, kadibna madaxweynuhu u salaam aad u diiran mid kasta ku qaabilay Guriga cad.