QABYAALADDA Eed Aaney Laheyn Yaan La Saarin

.Ka fikir adiga ama dad kale oo tegey magaalada Ceynabo ama Lughaya oo la kulmey dadkii magaalada degenaa oo khudbad u jeediyey, oo hadalkii ku soo daray “Waa inaan QABYAALADDA la dagaalanaa”. Waxa an hubaa in dadkaa ad la hadleysaa aaney ku fahmin waxa ad ka hadleyso iyo waxa ad leedahay an la dagaalano. Haddii ad tagto Taleex amma Moholin amma Xariirad oo ad tidhaa qabyaaladdu waa wax xun ee an la dagaalanno, waxa hubaal ah, in dadkaasi kuu qaadan karaan inad soo waalaneyso ama ad wareersantahay. Meelahaa an sheegey iyo waddanka intiisa kaleba, dadku ma garan karaan qabyaaladda an la dagaalano, waayo waxaan u muuqan waxa lala dagaalamayaa waxa uu yahay.

.Haddiiba ay dhacdo oo dadka magaalooyinkaa jooga ad is tidhaa hadalka u yara jilci, oo waxa ad u sheegtaa waxa ad u jeeddo, waxa laga yaabaa inad tidhaa waa in shaqada dawladda caddaalad iyo aqoon lagu bixiyaa, waa in hantida dawladda loo sinaadaa, waa inaan guryaha iyo dhulka dawladda dad la iska siin ama la iibin. Waxa kale oo laga yaabaa inad ka hadasho in loo tartamo waxbarashada dibadda ee ardyda loo dirayo iyo inaan madaxda dawladdu ku takri-Falin hantida iyo xilka lagu aaminey. Dadka magaalooyinkaa an sheegey iyo kuwa la midka ah joogaa iyagu maba fahmi karaan xitaa marka ad sidan uugu jilciso, waayo dhul dawladeedna sharci iyo sharci daro cidi kuma siiso, caruurtoodana waxbarasho looma diro, ka hantida umadda dhacana maaha, ka dhacey ka lacunayana maaha.

.Balse ka soo qaad inad dadka magaalada jooga hadalkan ku tidhaa oo ad tidhaa an qabyaaladda la dagaalanno. Horta waa kowe, waxa lala dagaalamayaa qabyaalad iyo qabiil midna toona maaha. Soomaalida wixii ka qaldama waxa ay danbiga saarta wax aan joogin, oo ama aan la arki karin, ama aan la taaban Karin. Inta badan wixii xun waxa ay saartaa ama QABYAALADDA ama SHEYDAANKA. Waa laba aaney cidi u doodeyn, ama aaney cidi ka hadashiineyn. Waana laba aan la aqoon meel ay joogaan iyo afka lagula hadlo. 

.Marka an arko qof danbiga saaraya ama sheydaan ama qabyaalad, waxa an u arkaa ama inu yahay qof isaguba dadka kale uun ka maqley oo sii tebinaya, ama waa qof u qasdiyey inu eedda ka leexiyo dadkii danbiga geystey oo ummadda ku wareerinaya wax hawo oo kale ah. Haddii cidi qabiil wax cid uugu qabaneyso, bal sheeg magaalo ama xeyn muuqata oo isku qabiil ah oo dawladnimo wax ku heley. Haddii kale waxa ad eegtaa dhulka ay madaxda dawladdu ka soo jeedaan iyo bal waxa ay u qabteen. Bal waxa ad eegtaa afartii madaxweyne ee dalka soo marey iyo dhulka ay beel ahaan ka soo jeedeen iyo waxa ay u qabteen si ad u ogaato inaan waxa dawladnimadeena lagaga cabanayaa aanu aheyn qabyaalad. Amma xalxalis iyo Yucubyabooh tag, amma Laaleys iyo galooley, amma Boon iyo Qolujeed tag, amma Ballidhiig soo eeg. Intooduba waa sidii ilaahey u abuurey oo dawladnimo waxba kagamey soo duxin.

.Qabiilku waa tilmaam iyo jinsi dadku isku garto, qabyaaladuna waxa ay aheyd nidaam dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed oo muddo dheer lagu soo dhaqmayey oo lagu soo wada noolaa. Waxa rajadu aheyd in nidaamkaa maamul iyo nololeed ee qabyaaladda ku saleysan lagaga baxo nidaam dawladeed oo casri ah. Hadaba haddii nidaamkii dawladnimo sidii la rabey u hana qaadi waayey ama uu liicey, ma jirto sabab loogu canaanto maxey dadku qabyaalad u isticmaalayaan, gaar ahaan dadka

 shicibka ah ee dawladnimada manaafacaadkeedu weli aanu si fiican u gaadhin. Haddii ay timaado dawladnimo la manaafacaadsado oo miskiinka iyo reer miyiga iyo dibjirkaba u adeegtaa, dadku qabiilka wey iskaga bixi lahaayeen oo dawladnimadaa cusub ayay geli lahaayeen.

.Haddii ay sidaa tahay, maxay tahay qabyaaladan dadku ka cawdaan. Qabyaaladda afka uunbaa la isu geliyee, waxa dadka ku cawdaa inta badan waa caddaalad daro. Caddaalad daraduna laba nooc ayay u kala baxdaa oo kala ah, mid muuqata oo qof sameynayo iyo mid lagugu tuhmo iyada oo aan la hubin. Tey doonto hanoqotee, waxa laga cabanayaa waxa uu ku warwareegayaa dad koobaan oo badankoodu caasimadda degenyahay oo beel kasta leh, oo ay kow ka yihiin dadka xilka dawladda loo dhiibey iyo dadka yaqaan sida dawladaha loo maalo. Dhaqankeena kuma jirto in ama la isku diido ama la iskula yaabo ku tagrifalka hantida umadda ka dhexeysa. Haddii qof ganacsato ihi uu siiyo qof ay ilmaadeer yihiin lacag ama dhul ama guri lagulama yaabayo, weliba waa lagu amaanayaa oo waxa la odhanaya waa sakhi, waa qof naxariis badan. Xataa qofka aaney isku qabiilka aheyn inu amaano muuyee kulama yaabayo qof inaadeerkii ama walaalkii wax siiyey. Mushkiladdu waa hantida iyo awoodda ummadda ka dhexeysa marka loo maamuli waayo si hufan oo loo simanyahay. 

.Dadka dawladaha xaqdarada ku maalaa waa dad la yaqaan. Waana nooc gooni ah oo adeegsada xirfado ay hunguri ku geliyaan hadba qofka xilka haya. Dadkaasi dawlad kasta oo timaadda waa la saaxiib oo iyaga ayaa kaaga dheereynaya, oo wasiir ama madaxweyne iska busaaradsan ayay barayaan xadhkaha laga garaaco dhaca iyo boobka hantida. Waxa ay kolba soo ogaanayaan hadba dhulka danta guud ah ee bannaan oo ay wasiirka ama madaxweynaha u sheegayaan. Dadkaasi badankoodu waa dad umadda sharaf ku dhex leh oo u badan ganacsato, dilaaliin iyo ehlu diin ba. Waxay ay u badanyihiin dad da’doodu u dhexeyso 40 jir ilaa 80 jir oo u badan 50 jir ilaa 70 jir. Badankooduna waa rag iyo midh midh dumar ah. Miskiinka iyo qofka dhalinyarada ihiba, fursadba uuma helayo inu madaxda la kulmo, iska daa inu xoolo ka helee. Waxa ama dhul amah anti guud ee ad maqashey qof ayaa la siiyey ma jirto midaan lacag badan lagaga cunin oo ama aanu xildhibaan ama wasiir ama guurti aaney dilaal weyn ka qaadin.

.Waxan oo dhanna waxa u aabo ah, iyada oo qofka mas’uulka ihi aanu rumeysneyn in hantida iyo awoodda dadka loogu dhiibey ay xaraan tahay haddii si qaloocda loo sicticmaalo. Dhowr bilood ka hor ayaan arkey tiro dad ah oo uu casuumey qof wasiir ahaan jirey oo casuumad u sameeyey dadkaasi. Hudheel weyn oo qaali aha ayaa casuumaddaa lagu sameeyey oo waa loo soo diyaargaroobey. Waa qof wasiir ahaan jirey oo hanti umadeed mas’uul ka ahaan jirey. Ninkaasi iyo dadkaa la casuumey badankooda foodda ayaa wada madow oo salaadi kama tagto. Balse kuligood wey ogyihiin inaanu ninkani jeeb uu leeyahay aanu ka casuumin, waayo intaanu wasiirka noqon mabuu bixin jirin intan iyo wax u dhow toona. Iyada oo salaadii lawada tukanayo oo sunihii la wada raacinayo hadana waa la wada cunayaa casuumada la ogyahay inaaney aheyn dhididkii nikaasi. Isaguna sidaasuu iimaam uugu yahay oo uu salaadda ku tukinayaa.

.Raggaa la casuumey haddii la yidhaa hilibkii ad cunteen duufaar ayuu ahaa ama dameer la qaley ayaa la idiin qariyey, mid walabaa inta uu joog biyo milix leh cabbo ayuu iska matajinayaa, sagaal goorna cadayaneyaa. Balse, xoolo umadeed oo la cunayaa xaraan xagooda kama aha. Ka doofaarka cuney naftiisa iyo Ilaahey oo keli ah ayuu danbi ka galay, balse ka xoolo ummad ka dhexeysa cuney 5 malyuun oo qof iyo Ilaahey ayuu danbi ka galay. Nin an saaxiib nahay ayaa ii sheegey mar uu raacey

Wasiir booqanayey oodweyne iyo meelo u dhow oo jeebadaha ku sita lacag doolar ah xidhmooyin ah oo kolba qof u dhiibaya $500. Haddaan af Soomaali jilicsan ku sharaxno qofkaasi waa tuug, bixinaya lacag uu soo xaday oo ay la socdaan tiro kale oo ahlu sharaf u muuqda oo tuug kalakaal ah oo arkayaa ninkaa lacagta faraqaya iyo kuwa uu siinayo oo iska busaaradeysan oo aan kaba fikirin inu xoolo tuugo ah loo qeybinayo. Sidaasaa weliba wasiirka lagu xantaa wadaad diinta ku adag. Waxa iyana la ogsoonyahay in sababaha dawladda loogu shaqo tagaa ay tahay si looga helo hanti mushaharka ka badan.

.Hadaba si aan umadda loo dawakhin oon loo odhan qabyaalad ayaa lala dagaalamaya, waxa ka habboon in la sheego waxa lala dagaalamayo. Waxa haboon in la yidhaa nidaamka dawladda iyo hantideeda iyo awoodaba si hufan oo muuqata haloo isticmaalo. Waxa muhiim ah in lala hadlo culimada diinta iyo dadka ra’yigooda la maqlo oo lagu adkeeyo iney ummadda ku wacdiyaan cadaaladda iyo inaan awood ka baxsan inta sharciga la adeegsan. Waxa muhiim ah in dawladdu ay u furto siminaar dadka ay xilka u dhiibeyso oo ay weliba ku soo marti qaado culimo u sharaxda in awoodaa loo dhiibayo si xun u isticmaalkeedu xaraan yahay. Waxa kale oo ay culimadu u sheegeysaa dadkaa xilka loo dhiibayaa in shilin aan mushaharkaaga aheyn oo si toos ah iyo si dadban ba ad u isticmaashaa inu yahay xaaraan aan dawladi kaa saamixi Karin maadaama ay tahay hanti 5 malyuun oo qof ka dhexeysaa.

.Nin Suufi ahaa ayaa magaalo joogey, markaasa mar kasta oo salaadda la adimo ayuu inta uu kor u qeyliyo isaga oo mu’adinka la hadlaya, ayuu yidhaa “annagu waanu ognahay inu Ilaahey weynyahay ee hebel u sheeg”. Waxa muhiim ah in si joogta ah farta loogu fiiqo halka wax ka qaldanyihiin oo ah caddaaladda iyo in qofka la aaminaa uu amaanada ka soo baxo. Waxa kaloo muhiim ah in cod dheer loogu dhawaaqo oo la sheego shakhsiyaadka ku tagri fala awoodda iyo xoolaha lagu aaminey oo la yidhaa hebel waxaasuu xaday. Haddiise ad dad xoogsato ah oo dhidikooda maalaya kolba uula timaado an qabyaaladda la dagaalano ama ad dhalinyaro jaamacado ka soo baxdey oo aan shilinba arag tidhaa an qabyaaladda la dagaalanno, inad sii wareeriso mooyee, waxba uma soo kordhineysid.

Maxamed Cali Bile