Qabsoomida Ciyaaraha Gobolada maxaa ka horeeya! – W/Q: Sacad Y. Hashi

sacad
Sacad Y. Xaashi

Sida aynu la wada socono waxa aad beryahan dambe  looga hadlayey xilliga ciyaarihii gobolada la qaban lahaa. wasaarada ciyaaruhu waxay lixdii bilood ee aynu soo dhaafnay aad ugu mashquulsanayd sidii ciyaaraha goboladu u qabsoomi lahaayeen una hirgelilahaayeen.

Waxay dadka sportiga daneeyaa ula muuqatay in ay wasaaraddu qabashada ciyaaraha wakhti badan gelisay.Nasiib darro laguma  guulaysan in wax ciyaaro ah haba yaratee la qabto, imikana waxay wasaaradda ciyaaruhu ku dhawaaqday in lix bilood ciyaarihii dib loo dhigay.

Suaasha meesha talaa waxa weeye in horta la qabto ciyaaro gobolo wax faaiida ihi ma ugu jirta dhallinyarada? dad badani waxay dabcan kaga jawaabi lahayeen suaashaas haa!

Anigu shaqsi ahaan fikirkaygu taas aad ayuu uga duwen yahay. laba siyoodba mid.

horta hadii dantu ku jirto in wax laga faaiido laba wiig ee ciyaaruhu socdaan way fiican tahay in la qabto ciyaaraha, waayo waxa la socda xamaasad badan, dhallinyaro badan ayaa ka soo qayb geleysa, goboladoo dhan ayaa la isaga imanayaa, siyaasada iyo mukhaadaraadka ayaa laga yabaa in ay dadku labadaa wiig ee ay ciyaaruhu socdaan ka jeestaan iyo wixii la mid ah. Tusaale  kale waxaan u soo qaadanayaa ciyarihii gobolada ee lagu qabtay malagaalada burco. wax yaabaha badan ee aan soo taxay labadaa wiig ee ay ciyaaruhu socdaan faaiido badan ayaa laga heleyaa ciyaaraha, lakiiin u jeedadaaydu waxa weyaan faiidadaasi waxay ku eeg tahay labadaa wiig. taasi waa qodob!

Qodobka kale wasaaradda ciyaaraha iyo dowladda Somaliland waxa laga sugayaa in ay ku dedaasho  qorshe faaiido mustaqbal leh, iyo in ay ku guulaysato daboolida baahida weyn ee dabta ah ee haysata guud ahaan sportska iyo dhallinyarada sportska jecel. inta aan la gaadhin ciyaaro gobolo!

Waa maxay markaas baahidan weyn ee jirtaa marka aan ka hadlayo dhinaca sportska?

Dhallinyarada maanta Somaliland ku nooli waxay ka badan tahay kalabadh oo badh populationka dalka, intooda badanina aad ayay sportska u jecel yihiin!

dhallinyaradaas sportska jeceli ma haystaan kubado ku filan, ma haystaan goroomo kubadeed, ma haystaan qalab sports ah oo ku filan, ma haystaan tabarayaal sports, ma haystaan fursad aqooneed oo ay ku bartaan sida sportska loo abaabulo, ma haystaan wacyi gelin ku Filan. Ma haystaan tartamo joogta ah,ma haaystaan wax aay hiigsadaan ma haaystaan warbaahin u soo jeeda ,mahaaystaan,garoon kubadeed oo xaafadiisa ku dhaw,ma haaystaan qalab kubadeed sida kabaha iyo dreeska, Inanka yar ee wadanka ku nool ee 15 jirka ah waxaa uga muhiimsan daawashada cayaaraha in uu helo wax yaabahaas aan kor ku soo sheegay.waxa inaga maqan waxyaabo badan oo muhiim ah oo ka horeeya ciyaaraha  goboladd ka hor qabsoomidooda.

Ganacsatada tageerta ciyaaraha guud ahaan amaba gobolada waxaan u sheegayaa markay tageerayaan ciyaaro gobolo iyo koob meel lagu qadan doono, in ay uga faaiido badan tahay in ay tageeraan dhallinyaradagaar ahaan kooxaha yaryar ee deriskooda oo aan walaa kubad iyo kabotoona haysan.

Wasaaradda ciyaaraha iyo dowladda Somaliland na waxaan kula talin lahaa in ay mar walba ku dedalaan wixii faaiidada dhallinyarada dalka ugu jirto.

Anigu markaan kama soo horjeedo mana dhaliilayo ciyaaraha gobolada yaan loo qaadan in aan ka soo hor jeedo ciyaaraha. lakiin waxaan leeyahay intaynaan socod baran waa in aynu fadhi baranaa? (ooda dhacameed sideey u kala sareeyaan ayaa loo kala guraa) talabooyinka horumarkuna way kala horeyaan.

Qore : Sacad Hashi

Oslo, Norway