Qabriga Nebi Yuusuf (CS) oo Dab la Qabadsiiyey

Qabri la gubbayQasa (SLpost) – Falastiiniyiin ayaa dab qabadsiiyay goob barakaysan ee Yuhuuda ee Daanta Galbeed ee magaalada Nablus, iyadoo ay sii kordhayso xiisada u dhaxaysa labada dhinac.

Dad ayaa dab qabadsiiyay qabri ay Yuhuuda iyo Muslimiinta ay aaminsan yihiin inuu ku duugan yahay Nabi Yusuf. Dab damiyayaasha ayaa damiyay dabka laakiin meesha ayaa khasaare xoog leh uu soo gaadhay.

Waxay dhacday saacado kadib, markii Ra’iisalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu ugu baaqay hogaamiyayaasha Falastiiniyiinta inay joojiyaan weerarka.

Waxaa jiray weerar muddiyo lagu fuliyo oo ku dhawaad maalin walba ay Falastiiniyiinta qaadayaan bishan, iyadoo ay korodhay weerarka labada dhinac.

Toddobo reer Israel ayaa la dilay tobanaan kalena waa ay dhaawacmeen kadib weerarro muddiyo iyo toogasho loo adeegsaday. Ugu yaraan soddon Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan dadka weerarka qaaday ayaa ku dhintay rabshadaha.

Weerarka ayaa bilaabmay bishii hore markii xiisad ay ka dhalatay goobaha barakaysan ee Yuhuuda iyo Muslinka ee Jerusalem, kadib markii ay soo baxeen warar in Israel ay qorshaynayso inay kordhinayso xuquuqda dadka Yuhuuda ee goobaha barakaysan.

Israel ayaa si joogta ah u beenisay inay qorshaynayso inay badasho sharciga hadda jira oo ay kordhinayso xuquuqda dadkeeda ee goobaha barakaysan.

Source: BBC