Qabiil iyo Qarannimo: Laba aan is-qaban karin! – W/Q: Eng Xuseen Aadan Cige

engQabiilkaiyo Qarannimadu  waa laba shay oo aan is-qaban karin, sidoo kale Qabiilka iyo Hannaanka Dimuqraadiyaddu waa isku dab iyo dhagax. Nasiib darrada jirtaa waxa weeye in Dareen-Wadareedka Qarannimo oo ah sida keliya ee Qaran lagu dhiso uu bulshadeenna aad ugu ku yar yahay, halka uu Dareen-Wadareedka Qabiilka oo Qarannimada cadow u ahina uu aad ugu badan yahay ummaddeena. Aasaaska iyo Jiritaanka Ummadnimo waxaa saldhig u ah dareen-wadareed qoto dheer oo ku abuuran bulshada oo ay guud ahaanba ka siman-yihiin, kaasoo muwaadin walba ku qasba inuu mudnaanta iyo muhimadda koowaadba siiyo Dalka, Dadka iyo Qarannimada.

Magaca, Karaamada, Is-fahanka iyo Wadajirka Ummadnimo waxa saldhig u ah; in bal marka hore ay iyagu dhexdooda is-aqoonsadaan, is-qiraan oo ay is-qadariyaan. Tilmaamaha Togan iyo Astaamaha Xilkasnimo ee bili kara bisaylka ay ummadi leedahay, isla markaana kobcin kara dareen-wadareedka wadaninnimo iyo dal-jacaylka waxa gun-dhig u ah: In la isku bogaadiyo wixii wanaag iyo horumar ah ee dalka iyo dadkaba u soo kordha (laga bilaabo Qof illaa Qaran) isla markaana la iskaga garaabo wixii gar iyo dawba ah, lana toosiyo wixii dhalliil, caddaalad-darro ama hagar ah ee dhexdooda jira.

Muwaandinka ku qanacsan Ahaanshihiisa Ummadnimo, isla markaana aaminsan Xornimada iyo Gooni-isutaagga Jam. Somaliland, marka ay dalkiisa la soo deristo xaalad adagi, waa kii garan kara masuuliyadda iyo waajibaadka dalkiisa ka saaran, waa kii og in dalku yahay ka leh mudnaanta iyo muhimadda koowaadba.

Waxaan aaminsanahay aadna u soo dhaweynayaa dhex-dhexaadnimada Saxaafadda iyo Cabbiraadda Fikirka xorta ah. Waxa kale oo aan soo dhaweynayaa in aan laga aamusin wixii ay xukuumaddu ku qaldan-tahay ee la toosiyo, iyada oo laga wada duulayo wixii dalka iyo dadkaba danahoodu ku jiraan. Laakiinse waxay ila tahay inaanu qofka muwaadinka ahi xor ahayn marka uu dalkiisu ku jiro xaalad adag ee lagu hayo weerar joogto ah oo af iyo addinba leh, taasoo lagaga soo horjeedo jiritaankiisa iyo madax-bannaanidiisa labada.

Qarannimadu waa Dugsi, u baahan in la wada Daryeelo:

Ummadda Jam. Somaliland waxay si cad u ogyihiin una arkaan inay Bulshada Caalamku isdiidsiinayaan horumarka iyo dawladnimada buuxda ee ay ummadda JSL kartidooda kula yimaadeen. Beesha caalamku waxay indhaha ka lalinayaan rabitaanka ummadda JSL iyo xaqa ay u leeyihiin inay noqdaan qaran madax-bannaan oo ka mid ah bulshada caalamka. Halkii bulshada caalamku ay ummadda JSL u abaal-gudi-lahayd ee lagu abaal-marin-lahaa aqoonsi iyo ictiraaf buuxa; waxaynu aragnaa in bulshada caalamku ay kool-koolinayso Qaran Fashilmay oo ku saaqiday inuu ka soo baxo masuuliyaddii iyo waajibaadkii ka saarnaa ummaddiisa iyo beesha caalamka dhan kasta oo ay tahayba! Nabadda, Xasiloonida, Dawladnimada, Horumarka iyo Dimuqraadiyaddu midna deyn inaguma aha, Dalkeenuna uma Rahmana!  Samir, dulqaad, dedaal, garashada togan iyo quluubta wada-jirta ee ummadda Jam. Somaliland ayaa keenay guushaa la isku quudhi la’ayahay.”

Waxaynu ku jirnaa xilli ay si aad ah u sii kordhayaan hadimooyinka iyo hagar-daamada qorshaysan ee ka dhanka ah Qarannimada iyo Gooni-isutaagga JSL. Arrinta maanta taagan ee ummadda Jam. Somaliland hortaallaa waxa weeye: Waan Jirayaa, iyo Jiri maysid!!.  Waxaynu ka wada dheregsannahay in dalkeenna lagu hayo weerar joogto ah oo af iyo addinba ah. Weerarradaa waxaa horseed ka ah Dawladda itaalka daran leh ee dunidu soo mal-maluuqday balse dadkeeda aan haba yaraatee ka haysanin wax aqoonsi iyo ixtiraam ah. Waxa xusid mudan in shakhsiyaad kula degaan iyo haybba ahi ay yihiin kuwa ay xukuumadda guul-darraysatay ee Soomaaliya ay u adeegsato fara-gelinta qaawan ee ka dhanka ah Qaranka Somaliland. Dadka ku nool dalka Soomaaliya, muddo 23 sano ku dhow ayey waxba ku heshiin waayeen oo ay wax walba isku khilaafsan yihiin. Waxa jirta hal arrin oo dadka ku nool dalka Soomaaliya ay dhammaantoodba ka siman yihiin amaba ay isku raacsan yihiin. Taasoo ah: In aanay Jam. Somaliland ka go’in dalkii ay ka mid ahaan jirtay oo aanay noqonin Qaran Madax-bannaan oo bulshada caalamku aqoonsan tahay!

 

Gaba-gabo:

Markaad si dhab ah ugu kuur-gasho ummadda Jam. Somaliland, waxa si cad u muuqda oo aad arkaysaa inay yihiin bulsho doonaysa saddex hab oo aan is-qaban karin inay hal mar wada adeegsadaan, kuwaasoo ah Qabiil, Qarannimo iyo Dimuqraadiyad. Marka uu Dareen-Wadareedka Qabiilku ka xoog bato Dareen-Wadareedka Qarannimo waxaa hubaal ah inaanay Ummaddaasi horumar gaadhayn, waxana jiri doona jaah-wareer iyo kala-qaybsanaan bulsho oo joogto ah!!

Waxa ila quman in Bulshadeenu guud ahaan, gaar ahaanna Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda iyo Saxaafadda ku ab-tirsada JSL  ay kala saaraan Mucaaridnimada Xukuumadda talada haysa iyo waajibka Muwaadinnimo ee Dalkooda ka saaran.

Waxa lagama maarmaan ah in ummadda Somaliland aanay illoobin ahaanshaheeda ummadnimo, wada-jirkeeda iyo isku-duubnideeda. Waa inaynu mar walba  xasuusnaano waayihii iyo waqtigii adkaa ee shalay ina soo maray iyo qiimaha ay ku kacday nabadda iyo xorriyadda aynu maanta hadhsanayno.  Miyaanay ahayn nasiib darro inteeda le’eg marka ay ummadi weli kala saari waydo nacabkeeda iyo nasteexeeda, ay ka faanto ama ka xishooto wixii ay shalay ku faani jirtay!! Markaa, saw ma muuqato  in aanay  ummaddaasi waxba ku qaadan taariikhdii iyo waayihii adkaa ee shalay soo maray?

Gaba-gabadii, waxaan Ummadda Qiimaha iyo Karaamadaba leh ee Jam. Somaliland u soo jeedin lahaa in aynu ka gudubno isku-muuqashada oo aynu ka digtoonaanno in aynu innagu isku mashquullo oo aynu iska daba shaqayno, taasoo inna illowsiin karta ahaanshaheena ummadnimo, wada-jirkeena, isku-duubnideena iyo qiimaha ay Qarannimadu leedahay. Xukuumad, Shicib, muxaafid, mucaarid iyo in dhex-dhexaadaba aynu dhammaanteen ka wada hawl-gallo difaaca Dalka af iyo addinba. Waa inaynu u jeesanno sidii aynu cadawgeena noocyada badan leh ugu midoobi lahayn isla markaana aynu si wada-jir ah ugaga midho dhalin lahayn qaddiyadda Xornimada, Gooni-isutaagga iyo ictiraafka Jam. Somaliland.

ALLAA Mahad iyo Mudnaanba Leh,

 

Wa Billaahi Tawfiiq

W/Q: | Eng.  Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| Hargeysa, Jam. Somaliland |