Qabiil iyo Qarannimo: Laba aan is Qaban Karin! (Qayb.IIaad)

Eng Hussein Adan EgehAasaaska iyo Jiritaanka Ummadnimo waxaa saldhig u ah dareen-wadareed qoto dheer oo ku abuuran bulshada oo ay guud ahaanba ka siman-yihiin, kaasoo muwaadin walba ku qasba inuu mudnaanta iyo muhimadda koowaadba siiyo Dalka, Dadka iyo Qarannimada.

Ummadda Jam. Somaliland waa bulsho isku dun (isir) ah, isku degaan ah, dareen midana wada leh; haddana kala dano ah! CAJIIB!! Sida ay Danta Guud ku jirto, taasoo cid walba u dan ahaan lahayd; wax u diidayaa jira! Caqabadda hortaagan Qarannimada, horumarka bulsho, dawladnimada iyo maamul-wanaaggu waa dareen-wadareedka reernimo oo ah min-qiyaaska haga fikirka siyaasiga ah ee bulshada Jam. Somaliland. Danta qabiilka iyo dareenka reernimo ayaa ah halbeegga iyo min-qiyaaska jiheeya wadahadal kasta, tabasho iyo cabasho kasta oo ku wajahan Xukuumadda.

Barta laga soo dheegto wixii tabasho ama cabasho ah ee Xukuumadda loo soo jeedinayo wuxuu salka ku hayaa dareen reernimo. Waxaad maqlaysaa tabashooyin beelaysan oo Xukuumadda, gaar ahaan M/weynaha loola tagayo oo lagu leeyahay: “M/weyne, haddaanu nahay beesha reer-hebel, Xukuumaddaada kamaanu helin sadkii iyo saamigii aanu xaqa ugu lahayn. Ma lihin Wasiir, W/k/Xigeen iyo Agaasime midnaba. Markaa M/weyne, ma miisaanka ay reerku leeyihiin ayaanad dareensanayn? Ma waxtarkayaga ayaan kuu cuntamin? Ma ogtahayse inaanu nahay reerkii Xisbigaaga hal-daba-la’(dhammaan) ugu codeeyey ee, inta Allah ka sokaysa, suurto geliyey kursigaa aad maanta ku fadhido!”

Dhinaca kale, way adagtahay inaad maqasho ama aad aragto Xukuumadda oo lagala hadlayo dan-guud ama iyadoo lagula gar-naqsanayo taba-shooyin khuseeya adeegyada asaasiga ah ee ay bulshadu xaqa u leedahay (sida: Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Jidadka, iwm). Xukuumadda lagalama hadlo dan Degaan, mid Tuulo, mid Degmo iyo tu Gobol midnaba. Nasiib darro, waa ma dhacdo inaad aragto Madaxweynaha Qaranka oo loola tagayo ama la siinayo talo nasteexa oo ku wajahan wixii u adeegaya danaha ummadda. Way adagtahay inaad aragto M/weynaha oo loo gudbinayo talo-bixin suuban oo khusaysa toosinta dhalliilaha ka muuqda maamulkiisa. Waxa keliya ee M/weynaha iyo Xukuumadda lagala hadlaa waa dan gaar ah oo shaqsi (dan ah inuu qof wax-noqodo) ama dano salka ku haya reernimo.

2. Danta guud ee Ummadda ayaa mudnaanta leh:

Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa waxa saaran xil Qaran oo culus, waxa loo igmaday inay si buuxda ugu adeegaan dhammaan ummadda Jam. Somaliland, muxaafid, mucaarid, mid u codeeyey iyo mid ka codeeyeyba. Waxay qaadeen masuuliyad laxaad leh oo if iyo aakhiroba lagala xisaabtamayo, taasoo ah inay si hagar-la’aan ah uga shaqeeyaan daryeelka iyo isku-dubbaridka Danaha Guud ee Qaranka iyo Bulshada Jam. Somaliland. Barta aynu ka wada duulayno ee danta ummadda iyo maslaxadda Qarankuba ku jiraan waxa weeyi in Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisuba aanay ku mashquulin dano ay wataan dad ama kooxo gaar ah, Xukuumadduna ha ka feejignaato wax alla wixii ka leexinaya xilkii loo igmaday iyo inay u adeegaan danta guud ee bulshada ay u dhaarteen.

Haddaba, waxa jirta arrin aad ugu xun nidaamka iyo haykalka dawladnimo oo maanta ummadda Somaliland ka noqotay dhaqan waxana dhici karta in arrintan ay dad badani ila qabaan, arrintaasina waxa weeyi:  Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa waxa waqti aad u badani kaga lumaa qaabilaadda iyo la hadalka dadka sida xad-dhaafka ah u buux-dhaafiya qolalka fadhiga ee xafiisyada masuuliyiinta Qaranka, kuwaasoo aan badankoodu u soconin ujeeddo cad oo daruuri ah. M/weynaha iyo madaxda kale ee qaranka waxa hawlihii ay ummadda u qaban lahaayen ka mashquuliyey xal-u-helidda iyo ka jawaabista tabashooyin beelaysan iyo dano gaar ah oo uu qof leeyahay oo xukuumadda loola tagayo.

Arrintani waxay saamayn wayn ku leedahay hab-sami-u-socodka hawl-maalmeedka Madaxweynaha iyo Golihiisa Wasiirrada; ha noqoto maskax ahaan, waqti ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Madaxweynaha iyo madaxda kale ee qaranka  waxay hab-dhaqanka noocan ah kala kulmaan daal badan, wareer, madax-xanuun, niyad jab iyo iyaga oo waqti u waaya xil-gudashada hawlihii Qaranka ee loo igmaday.

Bal adiguba waxaad qiyaastaa masuul qaran oo xil u haya ummadda oo maalin kasta iyo waqti kastaba loola tagayo oo lagu mashquulinayo arrin aan shaqadiisa waxba ka khusayn ama xaalad ka baxsan hawshii uu qaranku u igmaday!! Ma kula tahay inuu heli karo waqti uu ummadda ugu shaqeeyo? Waxa taa dheer, haddii uu masuulkani wax ka qaban waayo danaha gaarka ah ee hadh iyo habeenba lala hor fadhiyo oo uu ka doorbido inuu qaranka u shaqeeyo, waxa uu bulshada agteeda ka noqonayaa wax ma tare iyo qof lagu khasaaray!!

Waqtigan xaadirka ah waxa muuqata in horumar kasta oo uu Qaranku ku tallaabsado ay daboolayaan ama ay qarinayaan tabashooyin beelaysan oo salka ku haya inaanay beesha reer-hebel ka helin xukuumadda sadkii iyo saamigii ay filayeen. Miyaanay ahayn nasiib darro inteeda le’eg ahayn marka daryeelka danaha gaarka ah ee shaqsigu leeyahay ama dano salka ku haya Qabiil laga horraysiiyo dananaha guud ee Ummadda iyo ta Qarankaba.

Waxa nasiib darro iyo wax Qarannimada ka fogba ah marka hantaaqada iyo xagal-daaca ay Xukuumaddu la kulanto ay dad muwaadiniin ahi ka dhigtaan guul iyaga u soo hoyatay. Guusha uu Qaranku ku tallaabsado, dhan kasta oo ay tahayba, cidina gaar uma laha oo cidna lagama xigo lagamana sheegan karo! Qaranku markuu guulaysto macnaheedu waa Ummadda Jam.Somaliland oo dhan ayaa Guulaystay!!

 

La soco qaybta III-aad ee: Qabiil iyo Qarannimo: Laba aan is Qaban Karin!

 

Wa Billaahi Tawfiiq

ALLAA Mahad iyo Mudnaanba Leh,

W/Q: | Eng.  Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| Hargeysa, Jam. Somaliland |