Qabiil iyo Qarannimo: Laba aan is Qaban Karin! (Qayb.4-aad)

Eng Hussein Adan Egeh1.   Hordhac

Qaybtii 3-aad ee maqaalkan waxaynu isku daynay  inaynu jawaab u helno su’aalahan:

Maxaa bulshadeena ugu wacan in Danta iyo Dareenka Qabiilku ay ka xoog bataan Dareen-Wadareedka Ummadnimo?

Maxaa bulshadeena ugu wacan inay mar walba isku mashquuliyaan ama ay ka shaqeeyaan dan gaar ah oo ah inuu qof wax-noqodo, halkii ay ka shaqayn lahaayeen wixii iyaga u dan ah?

Qaybtii 3-aad, waxaynu si guud-mar-ah isu-hoga-tusaalaynay in ku dhaqanka qabyaaladda, qof-jeclaysiga iyo qof-necbaysiga bulshadeenu caadaysatay ay yihiin sababaha ugu waaweyn ee Danta iyo Dareenka Qabiilku ay uga xoog bateen Danta guud ee Qaranka iyo inay bulshadu yeelato Dareen-Wadareed Ummadnimo oo ay ka midaysan yihiin. Qabiilka iyo ku dhaqanka Qabyaaladda ayaad moodaa inay inaga indho-tireen mudnaantii iyo ahmiyaddii ay lahayd dareenka wadajirka bulshada iyo ahaanshaha Ummadnimadu, taasoo aad mooddo in xataa Caqiidatul-Islaamkiiba uu Qabiilku inalaga weyn yahay. Qabyaaladda ayaa ah Min-qiyaaska iyo Halbeegga jiheeya qaabka fikirka siyaasiga ah ee bulshada JSL ee waqtigan xaadirka ah.

Nabadda, deggenaanshaha, wada-noolaanshaha, horumarka iyo dimuqraadiyadda ay ummadda Jam. Somaliland muddada 23-ka sano ku dhaw ku naaloonayaan, waa arrin aad u qiimo badan oo haddii aynu nahay ummadda JSL-na aynu ku faani karno, isla markaana ay waajib inagu tahay in ALLAH(SWT) loogu mahad-naqo. Shacabka karaamada leh ee JSL ayaa iyagu hore iyo haddeerba ahaa kuwa arrimahan saldhig iyo laf-dhabarba u ahaa. Shacabka JSL waxay mar walba la imanayeen samir, dulqaad, kala-dambayn, ku dhaqanka shuruucda iyo xeerarka dalka u dhigan iyo ayi-daad aan shuruud lahayn oo ay ayi-dayeen kolba xukuumadda talada dalka haysa.

Waxa kale oo iyadna xusid iyo is-xasuusinba mudan in wanaaga, horumarka iyo wada-jirka aynu maanta hayno uu ku yimid wada tashi, isku-tanaasul, is-qadarin, danta guud ee ummadda oo loo tudho iyo weliba ta ugu muhiimsan oo ahayd, in hadda ka hor, ay siyaasiyiinta u dhashay JSL hankooda iyo damacooda siyaasadeedba ay mar walba uga tanaasulayeen halka ay danta ummaddoodu ku jirto.

Dareen-wadareed Waddaninnimo iyo Dal-jacaylka ayaa aasaas iyo saldhigba u noqon kara jiritaanka Qarannimo ee ay ummadi hiigsanayso. Waxaa innoo dhisan Qaran Guulaystay oo ku guulaystay inuu dadkiisa u horseedo Nabad, Degenaansho, Horumar, Dimuqraadiyad iyo Dawlad Shaqaynaysa, sidaana ku sifoobay 22-kii sano ee ina soo dhaafay!! Waxaa innoo dhisan Qaran ay u dhamaystiran yihiin kaabayaashii lagama-maarmaanka u ahaa sugidda ammaanka iyo kasbashada nabadda shacabkiisa. Waxaa talada haya Xukuumad ku timid doorasho xor iyo xalaal ah oo kalsooni buuxda ka haysata ummaddeeda.

Haddaba, waxa lagama maarmaan ah in ummadda JSL aanay marnaba illoobin Ahaansha-Ummadnimadeeda iyo Taariikhda Halgankeeda. Waa inaynu mar walba xasuusnaano waayihii iyo waqtigii adkaa ee shalay ina soo maray iyo qiimaha ay ku kacday nabadda iyo xorriyadda aynu maanta hadhsanayno.  Waxa nasiib darro inteeda leeg ah marka ay ummadi weli kala saari waydo nacabkeeda iyo nasteexeeda, ay ka faanto ama ka xishooto wixii ay shalay ku faani jirtay!! Markaa, saw ma muuqato  in aanay  ummaddaasi waxba ku qaadan taariikhdii iyo waayihii adkaa ee shalay soo maray?

2. Garaadka Bulshada oo la Kobciyo ayuu Wadajirku ku jiraa:

Horumarka bulsho iyo koboca dhaqaale ee ay ummadda Jam. Somaliland ku tallaabsadeen muddadaa 22-ka sano ah waa mid mucjiso leh. Ummadda JSL waxay la yimaadeen dedaal la yaab leh oo ku wajahan dib u dhiska iyo horu-marinta dalkoodii bur-buray, iyaga oo aan cidnaba taageero iyo taakulo ka helin balse iyagu isku tashaday Allena talo-saartay.

Haddii ay Hanka, Hiigsiga iyo Himilada bulshadu hoos u dhacaan, waxa luma dareen-wadareedka waddaninimo, waxa hiil hela oo kobca qabyaaladda, hunguriga iyo dareenka dan-shaqsi ka fikirka. Halkii laga fikiri lahaa danta guud ee bulshada nolol-wadaagta ah iyo danta Qarankaba, waxa mudnaanta iyo muhimadda koowaadba la siiyaa sidii uu qof ama qabiil wax u noqon lahaa. Waxa nasiib darro ah marka ay ummadi isku guubaabin weydo runta iyo caddaaladda, ay ka garaabi waydo xaqa iyo wixii gar ah, marka qofkii Quman ee runta ku hadlaya uu bulshada dhexdeeda ku sifoobo Qaldane; qofka qaldan iyo af-miishaarkuna uu noqdo Qumane. Arrimahan oo dhammi waxay halis iyo hagar-daamoba ku yihiin minqiyaaska horumarka bulshada iyo dareenka wadajirka ee ummadnimo.

Haddaba, siday Guryaha, Iskuullada, Dhakhtarrada, Dariiqyada iyo Adeegyada kale ee Bulshaduba dib-u-dhis ugu baahan yihiin, ayey Dareenka, Garaadka iyo Fikirka dadkuna dib-u-dhis ugu baahan yihiin. Qof ahaan waxaan is leeyahay;  malaha ilaa hadda weli si fiican looguma hawl-gelin in bulshadeenna la baraarujiyo, la wacyi geliyo oo lagu beero dareenka waddaninimada, ka midnimada, ka dal-jacaylka iyo masuuliyadda qof walba ka saaran inuu mudnaanta koowaad siiyo danta guud ee bulshada iyo maslaxadda Qaranka.

Aasaaska iyo Jiritaanka Ummadnimo waxaa saldhig u ah dareen-wadareed qoto dheer oo ku abuuran bulshada oo ay guud ahaanba ka siman-yihiin rag iyo haweenba. Haddii aynu doonayno inaynu ka rumayno himilada iyo hadafka Qarannimo ee aynu leenahay, waxa waajib iyo lagama maar-maanba inagu ah in dedaal dheer oo midaysan loo galo sidii loo kobcin lahaa ee kor loogu qaadi lahaa Garaadka iyo Dareenka Waddaninimo,  Wadajirka iyo Ahaanshaha Ummadnimo ee bulshada JSL, gudaha iyo dibeddaba.

 

La soco qaybta 5-aad ee: Qabiil iyo Qarannimo: Laba aan is Qaban Karin!

 

Wa Billaahi Tawfiiq; ALLAA Mahad iyo Mudnaanba Leh,

 

W/Q: | Eng.  Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| Hargeysa, Jam. Somaliland |