Qabiil Ayaan La Dagalaamayaa Iyo Qabiil Ayaan U Doodayaa Labadab Cabdikarim Ahmed Moogow Adigaa Lagaa Hayaa  

Abdi karim ahmed mooge, oo ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada qorshaynta ayaa waxa uu ku sababeeyey xil ka tagistiisii inuu u banbaxayo inuu la dagaalamayo qabiilka, lakiin markaad aragto isagoo  maanta difaacaya, garabka ganacsadaha cumar caydiid ee ay isku haybta yihiin ee uu waliba isagoo xanaaqsan ka hadlayo arrinta tiyaarta ee khilaafka dhalisay isagoon eegin waxa la isku hayo ayaa waxay u muuqataa inaanu qabyaalada la dagaalamayn, oo isagu qabyaaladiiste yahay waayo cabdikariim markuu u doodayo ganacsade cumar caydiid waxaa jira boqolaal kale oo ay isku reeryihiin oo la dulmiyey balse aanu ka hadal markaa waxaynu odhan karnaa cabdikariim uma dodo danyarta ee waa nin u hadla hadba ninka  hanti leh. Cabdikarim waxa uu ku raacay ganacsade cumar caydiid waa aduun iyo hanta, sida ilo lagu kalsoon yahay noo xaqiijiyeen cumar caydiid waxa uu guri fila aha uga dhisay xafada calamadaha, cabdi kariim mooge Taasina waxa ay kuu cadaynaysaa inuu cabdikarim yahay nin qawlayste ah oo calooshii ushaqaysta ah.

 Cabdikariim waxaa uu agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha ku sheegay beenaale, isagoo aan agaasimaha hadalkiisa wax xanaf ahi ka muuqan markuu warbaahinta la hadlayay, waxaanu ahaa masuul gudanay xilkii loo igmaday, taasi waxay muujinaysaa indho la’aanta uu cabdikariim ku tageersanyahay ganacsadaha reer jabuuti ee darafka ah arinta khilaafka tiyaartka,  magayo agaasimaha guud ee arimaha gudaha gefka  iyo deelqaafka uu kula kacay, cabdi kariim mooge waxaana ka codsanaynaa inuu gefkaasi xaal ka bixiyo ugu danbayn, waxaan u soo jeedin lahaa cabdikariim talo ah inaanu ku adeegsan magaca qabaayalad la dagaalan lakiin uu ku ekaado wajigiisa dhabta ah inuu u hadlayo danta reerkiisa waliba kuwa haynta  haya.

Chief Caaqil Cabdiraxman Cabdi

Hargeysa,Somaliland