Qaar ka mid ah sheekooyinka buug sheeko xariirooyin ah oo dhawaan dalka lagu so bandhigi doono oo uu qoray qoraaga da’da yar ee Mohamed Hassan mouse

IN LAGAA XIIRI

calaydhWakhti ka mid ah wakhtiyo hore oo ay abaar aad u darani  dhacday ayaa waxa dadkii ka baxay xoolihii yaraa eey dhaqanayeen kolkii xoolahii ay kunoolaayeen meesha ka baxeen waxa iyana ka baxay wax kasta oo ay haysteen hu’ iyo cuntaba .

Had iyo jeer dadka marka xooluhu  ka dhamaadaan amaba ka baxaan waxa lagu yaqaanaa in ay soo galaan magaalooyinka si ay quutal daruuuriga u xoogsadaan  mid quud hela ,mid qadhaab hela iyo mid iskaba qadaba .

Hadaba nin oday ahaa ayaa waxa uu ka mid ahaa dadkaa ay haleeshay abaartu mood iyo nool wixii uu lahaana ay noqdeen wax abaartu qaaday oo dhintay iyo wax uu naftiisa kula tacaalaye oo iibsaday ama qashayba .

Intaa ka dib ayaa waxaa uu xaaskiisii ku odhanayaa waxa aan ta gayaa magaalada oon inooga soo shaqaynayaaye wakaa reerkii ,ambabax isaga oo u sii lugaynaya xagii ay magaalada ka xigtay oo galbeed ugu qumanayd ayaa ay xaaskiisii ka soo daba guclaynaysaa si ay fariin u sii farto waxaanay ku odhonaysaa ( ee waa tii aad I ogayd oo sidiibaan bilaa gambo u ahayae gambo ii soo iibi)

Nninkii odayga ahaa oo ah nin aad u xikmada badan ayaa waxa uu u gu jawaabayaa:-( walaahiyo tii xilaad in lagaa xiiri)

Hadii ay jiraan wax sheeko ah oo isku ilawday waxaan ku leeyahay waari mayside waar hakaa hadho

Waxaanad ku soo hagaajisaan ciwaanda hoota ku qoran

WAR BOQOR

nin run sheeg ah ayaa waxa uu raacay nin been sheege ah iyaga oo ku gudo jira socdaalkii ayaa waxa ay ku soo baxeen

boqortooyo ay samaysteen daayeeero.

markii ay boqortooyadii soo gaadheen ayaa ay joojiyeen askartii boqortooyadu oo su’aalo waydiiyeen ka dibna inta ay

meel fadhiisiyeen ayaa warkoodii madashii boqorka la geyay boqorkii arinta labadan nin wax uu rogrogabo talaa ku

soo dhacday, waxa uu u yeedhay hogaankii baratakoolka madaxtooyada waxaanu u sheegay in uu doonaayo inuu ego

garashasda labada nin ee aadanaha, ee hadaba inta aanay meesha iman wasiirada iyo madaxda kale ee boqortooyada u yeedha

iyagoo darajoyinkooda iyo dharkooda ugu quruxda badan u soo xidha ka dibna idinka oo sida baratakoolku yahay raacaya qaarna

midigta ha iga fadhiistaan qaarna bidixda sidii ayaa uu yeelay hogaankii baraatakoolku.intaa ka dib ayaa uu boqorkii amar

ku bixiyey in loo yeedho la badii nin ee socotada ahaa labadii nin ayaa madashii la keenay markii ay boqorka

salaan boqor salaameen ayuu boqorku su’aalo waydiiyey waxaana uu ku yidhi ninamyahow socotada ahi bal boqor nimadayda

ka warama ninkii been sheega ahaa ayaa ku horeeyay jawaabta markaasuu ku jawaabay waxaad tahay boqor wayn oo leh milgo

iyo maamuus wayn. madaxdayda iyo maamaulkaygana ka waran ayuu hadana boqorkii waydiiyey waxaana uu ku jawaabay waa

madax boqorwayn ku haboon oo maamul boqorna hanankara intaa ka dib hadalkii been sheegaha ayaabuu boqorkii la riyaaqay

oo la dhacay waxaanu ku amray in abaal gud wayn lasiiyo waxaana loo gudbay ninkii run sheega ahaa oo aad ufaraxsan oo isleh

hadii beentii abaal gud heshay runtuna mid ka wayn ayaa ay helaysaa ayaa waxa uu bilaabay jawaabihiisii waxaanu ku bilaabay

waxaad tahay boqor daanyeer ah maamulkaaguna waa daanyeero

boqorkii ayaa inta uu xanaaqay yidhi qabta oo xidha  waxa uu caayey boqorka iyo maamulkiisee

HEBAL HARAKOO

Goobtu waa magaalada hargeisa waana goor habeenimo ah  inan dhalinarao ah ayaa waxa uu soo galay hudheel  ka mid ah hudheelada ku yaala magaalada faraxal ka dib inankii waxa uu fadhiisanayaa kursi  u dhaw masuulka ama mulkiilaha hudheelka waxaanu dalbanayaa cashadii uu doonayey isaga oo sugaya cashadii uu dalbaday ayaa waxa ku soo dhacaya telephone qabasho ka dib ayaa waxa uu si cod nool ah oo kalsooni badani ka muuqato ugu jawaabayaa qofkii kale ee soo garaacayey oo aad moodo inuu waydiiyey su’aal ah halkeed joogtaa? Sida hadalkiisa ama jawaabtiisa lag adareemayo Ku odhayaa: waxa aan joogaa  hebal HARAKOO.

Ninka hudheelka leh oo ah nin aad iyo aad u aftahana hadal odhaahdana aad ugu fiican ayaa maqlay jawaabta uu bixiyey ninka dhalinyarada  ah ee hudheelka ka cashanaynaya intaa ka dib si dagan xikmad badanina ku jirto ayaa waxa uu ku odhanyaa inankii dhalainyarada ahaa:-ADEER ADEER  U SHEEG WAX KALENA WAAN HAYAAYE.