Qaadhaan-bixiyeyaasha taageera Nidaamka Dimuqraadiyadda Somaliland oo Shuruudo ku xidhay Bixinta Dhaqaalaha ay ku bixinayaan Doorashooyinka 2015-ka oo ay diyaareen

Nairobi (SLpost)- Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa caddeeyey in kulamo ay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula yeesheen qaadhan-bixiyeyaasha caalamka lagu wargeliyey in faahfaahinta taageeradooda doorashooyinka Somaliland ku xidhan yihiin laba shuruudood oo kala ah ansixinta xubnaha Komishanka Doorashooyinka cusub iyo xeerka diiwaangelinta iyo codbixiyeyaasha oo khilaaf ka taagan yahay meel-marintiisa.

Waddani, Kulmiye, UCIDSaddexda guddoomiye xisbi qaran Muuse Biixi Cabdi, Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo saxaafadda kula hadlay magaalada Nairobi shalay, waxa ay sheegeen in qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera hawlaha dimoqraadiyadayntu diyaariyeen dhaqaalaha ku baxaya qabsoomidda doorashooyinka sannadka 2015, balse shuruud ku xidheen caawimadooda.

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in qadhaan-bixiyayaashu aanay faahfaahin dheeraad ah ka siin habka caawimadoodu noqonayso, isagoo caddeeyey inay arrintaas ku xidheen ansixinta Guddida Doorashooyinka iyo Xeerka Diiwaangelinta iyo codbixiyeyaasha Somaliland.

HALKAN KA DAAWO

Sida saddexda guddoomiye xisbi tilmaameen, qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka ayaa faahfaahinta taageeradooda hawlaha doorashooyinka ku xidhay laba shardi oo kala ah; ansixinta xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka oo la filayo in Golaha Wakiillada la horgeeyo toddobaadka soo socda iyo ansixinta qabyo-qoraalka Xeerka Diwaangelinta Madaniga ah iyo Codbixiyeyaasha, kaasoo mudanayaasha Wakiilladu ansixiyeen 30 September 2014, balse khilaaf xooggan ka dhashay nuqulka xeerkaas oo loo gudbiyey Golaha Guurtida oo sida sharcigu waajibiyey loo gudbiyo xeerarka aan arrimaha maaliyadda khusayn, haseyeeshee Golaha Guurtida ayaa dib ugu soo celiyey Wakiillada Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, kadib markii farqi iyo kala-duwanaansho ka soo baxeen Xeerka Golaha Wakiilladu Ansixiyey iyo Nuqulka loo gudbiyey Guurtida, Sida uu todobaadkii hore sheegay Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo qoraal wax-ka-beddel iyo Sixitaan lagu sameeyo Xeerkaas kaga codsaday Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo waraaqdaasi uu ku socodsiiyey.

SOMALILANDPOST.NET