Qaabqoraalka qurubyada, NA iyo KA (1)

 

Beryahan marka aan akhriyayo qoraallada ay dadku soo qoraan, waan ku mergadaa qaarkood. Qaarna waan qudhqudhiyaa. qabyo badan oo ku jirta qoraalka farta Soomaalida ayaa keenaya taas. Dadka oo aan fursad u helin in si isku mid ah wax loo soo baro, qudheedu waa ka mid mushkiladaha.

Haddaba waayadan dambe, waxa soo badanaya dad farsoomaalidii u qoraya hab cusub oo la kala wada furfurayo ereyada. Taasi waxay keentaa in mararka qaarkood erey keli ahaa laga dhigo dhawr erey. Ogoowoo, haddii ereygu mid keli ah noqdo, waa in loo qoro “erey keliya ahaan”. Tusaale: La+ma+huraan waa in loo qoro: Lamahuraan oo haddii wax la isla garanyo laga dhigayana, xagga dambe laga raaciyo qodob “Lamahuraanka”. Ma aha “La ma huraan ka”. Joog! joog! halkaa joogso! Maanta waxan rabay uun ka-daa ugu dambaysa ereygaas iyo ereyga NA, in aan ku yara tuso marka gaar loo qorayo iyo marka lagu qodbayo ereyga gadaashiisa.

-Ereyga “na” marna waa xidhiidhiye marna waa magac u yaal. Labadaas in qoraalkooda la isku qaldo ma aha. Marka “na” ay xidhiidhiyaha tahay waa qayb ka mid ah ereyga ay xidhiidhinayso oo waa in lagu qodbo. Bal eeg tusaaleyaashan:
1- “Ninkii na arag” iyo “Ninkiina arag”, way kala duwanyihiin. “na”da hore waa magac-uyaal la-yeele oo gaar ayaa loo qorayaa. Annaga ayuu ninkii na arkay”. “na”da dambena waa xidhiidhiye oo waxa lagu ladhayaa eregaas ay dibgalaha u tahay oo ninkii wuxu arkay wixii ama ciddii la soo xusay.

2- “Kulmiyena sii” iyo “Kulmiye na sii”, way kala duwanyihiin. Ta hore waa xidhiidhiye oo Cid hore loo soo xusay iyo kulmiyeba, wax bay siiyeen cid kale. Laakiin “na”da dambe waa magac u yaal la yeele oo Kulmiye ayaa annaga wax na siiyey, gaar baana loo qorayaa.

– Ereyga “ka”, mar waa qodob, marna waa magac u yaal, marna waa meeleeye. Shaqooyin kalena in uu qabto la arkee. Marka uu qodob aqoonsi yahay, waa qayb ka mid ah ereyga uu qeexayo, waana in lagu dhegjiyo ereygaas oo dabcan Magac ah. Laakiin mararka uu yahay meeleeye ama magac u yaal, kama tirsana meelna ee iskii ayaad u qoraysaa. Tusaale “Ninka yimi magaalada” iyo “Nin ka yimi magaalada”. Ka hore waa nin la isla gartay oo yimid Magaalada, halka ka dambe uu ka yahay nin aan la aqoon oo KA yimid magaalada. Laba macne oo isku lid ah sow ma aha?

Cabdi Bashiir