Puntland oo ogolaatay nidaamka 4.5 oo hore ay u mucaaraday

Dawlad gobleedka Puntland ayaa aqbashay in doorasahda 2016 lagu saleeyo nidaamka qabaliga ee 4.5. Waxaa arintani lagu shaaciyay heshiis ay Dawladda federaalka Soomaaliya iyo Dawlad goboleedka Puntland ay xalay goor dambe ku kala saxiixdeen magaalada Garowe.

Somaliya

Waxaa lagu heshiiyay in nimaakaasi uu ku koobnaado doorashadan 2016-ka, islamrkaana doorasahada 2020-ka loo gudbo codbixin ay dadweynahaya si toos ah uga qayb qaadan doonaan.

Heshiiskan ayaa ka kooban 4 qodob oo waaweyn oo kala ah qaabka doorashada ay dalka uga dhici doonto dhowr bilood ka dib, dhismaha aqalka sare ee baarlamaanka, hanaanka geeddi socodka ee hawlahaas loo marayo iyo dhaqan gelinta heshiiska.

Puntland ayaa bishii January ku gacan sayrtay heshiiskii ka soo baxay Madasha Wadatashiga oo go’aan lagu gaaray in doorashada 2016-ka lagu saleeyo nidaamka 4.5, kadib markii sida muuqatay ay suuroobi wayday in dalka laga hirgaliyo codbixin dadweyne.

Maddaxwaynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo khudbad ka jeediyay heshiiska ay wada gaareen Puntland iyo Dawladda Federaalka ka dib ayaa sheegay inaysan Puntland qaadan nidaamka 4.5 balse ay qaadatay go’aankii lagu soo afjari lahaa in waddanka hab qaybsigaasi laga musaafuriyo.

Waxaa heshiiska damanaad ka ah IGAD, QM, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo wakiilladoodu ay wax ka saxiixeen.