Puntland oo ka hadashay lacagta Maraykanku dul-dhigay Yaasiin kilwe iyo xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab

Garoowe(SLPOST)Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka hadalay lacag dhowr milyan oo dollar ah oo la dul-dhigay saddex sarkaal oo ka tirsan ururka Al-shabaab, kuwaas oo uu ku jiro Yaasiin Kilwe oo amiir u ah dagaalyahanada jooga buuraha Galgala.

wasiirka amnigaga

Wasiirka amniga iyo hub ka dhigista Puntland Xasan Cismaan Aloore oo maanta la hadlay idaacadaha gudaha, wuxuu sheegay in dowladiisa ay ku faraxsan tahay in abaal-marin lagu bixiyo soo sheegista xubnaha Al-shabaab iyo in laga wada shaqeeyo dagaalka lagula jiro ururka.

Amiirka Al-shabaab ee buuraha Galgala Yaasiin Kilwe oo wasiirku ka hadlay wuxuu yidhi “marba meel buu ku dhuntaa aanan hada carabaabayn, waxa dulsaan ka sokow anagaaba doonaynay Yaasiin Kilwe waana garanaynaa saan howshayada u gudan lahayn.”

Wasiirka amniga wuxuu si cad u sheegay in Puntland ay u diyaar tahay in ay iska ilaaliso in xubnaha Al-shabaab ay u soo firxadaan gobolka, xili dowladda iyo AMISOM ay dhowr magaalo oo muhiim ka qabsadeen kooxda.

“sida qaalibkaba ah waxa soomaaliya ka socda arrimaha shabaab mar kasta waan u toog-haynaa, colaada keliya ee aan leenahay weeye, hadana hadii ay soo firxadaan Puntland diyaar bay u tahay inaan cadowgu ku qarsoomin.” Aloore.

Wasaaradda arrimaha dibeda ee maraykanka ayaa shaacisay magacyada saddex sarkaal oo kala ah Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir (Ikraama) oo ku eedaysan abaabulka weerarkii Westgate iyo qorista dhalinyarada ku biiraysa Al-shabaab ee Kenya, waxaa kaloo ku jira ku xigeenkiisa Jacfar.

Yaasiin Kilwe oo ah sarkaalka ugu sareeya Al-shabaabka Galgala ayaa sidoo kale liiska ku jira, waxaana Maraykanku ku bixinayaa $3 milyan oo dollar. USA waxay sheegtay in Puntland iyo Soomaaliland ay yihiin meelo nabdoon oo ay kala shaqayn doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland