Puntland Oo Gobolladeeda Ka Mamnuucday Telefishanka Qaranka Soomaaliya Iyo Sababta Ay U Cuskatay

Garoowe, (SLpost)- Wasaaradda arrimha gudaha ee maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa amar ay soo saartay waxay kaga mamnuucday deegaannada ay ka taliso ee Puntland oo dhan inuu ka hawlgalo Telefishanka dawladda federaalka Soomaaliya ee SNTV.

Wasaaradda ayaa ku eedaysay in TV-gu uu caadaystay isla markaana uu been abuur ka sameeyay hawlaha gurmadka ah ee ay waddo Puntland ee loogu gargaarayo dadka qaxoontiga ah ee ka imanaya Yemen.

Waxay maamulka Puntland sheegeen in barnaamijka ay ku tilmaameen been abuurku uu telefishanka Soomaaliya uu ka baxay bishu markay ahayd 17-ka.

Somalilandpost.net

SNTV