“puntland Imika Waxa Ay Wajahaysaa Sadex Halis Oo Kala Ah Budhcad Badeed Al-shabaab Iyo Muranka Soohdinta Udhaxaysa puntland & Somaliland”Madaxweynaha Puntland Dr-Gaas

Garowe(SLPOST)’Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay khilaafka soohdinta ee ka dhaxeeya maamulkiisa iyo Somaliland, wuxuuna sheegay in si nabadgelyo ah lagu dhameyn doono.

CABDI-WALI-

khilaafkaasi, sidoo kale waxa uu ka hadlay arrimaha burcad badeeda Soomaaliya iyo kalluumeysiga sharcidarada ah

Isagoo ka hadlayay caqabadaha ammaanka ee Puntland ayaa wuxuu sheegay inay Puntland wajaheyso seddex halis oo dhinaca ammaanka ah, kuwaas oo uu ku kala sheegay burcad badeednimada, Al-shabaab iyo muranka soohdinta ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, isagoo ka hadlay dhibaatada ku saabsan muranka soohdinta ee Puntland iyo Somaliland wuxuu yidhi: “Waxaa la joogaa xilligii xal waara loogu raadin lahaa khilaafkan soohdinta ku saabsan”.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay doonayaan federaal aan qabiileysneyn, Gaas ayaa warkan sheegay xilli uu khudbad ka jeedinayey Machadka daraasaadka nabadda iyo ammaanka magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, wuxuun a intaasi ku daray Gaas inuu rumeysanyahay in dhismaha dowlad goboleedyo xubno ka noqda federaalka ay gacan ka geysan karaan in laga hortago khaladaadkii la galay xilligii dowladdii dhexe ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

“Puntland ma dooneyso aqoonsi dibadda ah hase yeeshee waxay rabtaa inay la macaamisho saaxiibadeeda caalamiga ah tan iyo inta laga gaarayo Soomaaliya oo federaal ah” ayuu yidhi C/weli Gaas, shacabka Puntland ayuu sheegay inay rumeysanyihiin in dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud aysan taageersaneyn qorshaha la doonayo in dalka Soomaaliya uu yeesho dowlad federaal ah.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland