Prof Samatar waxaanu leenahay ceeb calayk, siday reer Somaliland kuu Qadariyeen ee aay kuu soo dhoweeyeen umaad ixtiraamin – W/Q: Cali Dhimbiiil

samatarWeli waxay is weydiinayaan reer Somaliland maxaa ku kalifay prof Samatar inuu huruufo dadkii sida niyad wanaaga ahayd ugu soo dhoweeyey wadanka Somaliland, ee uu in badan dagaal diplomacy iyo siyaasadeedba kula jirey.  La garan maayo ilaa hada waxa uu u humiliates gareeyey dadkii maalintaa sida wanaagsan ee qalbiga furan u soo dhoweeyey, iyagoo runtii iskaba ilaawey qaladaadkii mucaaridnimo ee uu hore uga galay wadanka uu asal ahaan ka soo jeeday.

Wuxuu sameeeyey maalintaa waxay ahayd wax lala yaabo, madaama uu wadan Somaliland la yidhaahdo joogo hadana calankoodii aanu wax ixtiraam ah u hayn.  Mida kale ma sidaasbuu  nin aqoonyahan ah oo diplomacy iyo protocolka aduunka wax ka garanaya ku ahaa, ileyn wuxuunbaa la xeeriyaaye.

Prof Samatar had iyo jeer wuxuu isku soo ag sawiraa calanka Maraykanka iyo kan Somalia, markaa sideebay ku noqotay inuu wadankii sharfay ee soo dhoweeyey uu ugu abaal gudo xumaan iyo aflagaado uu ku leeyahay calankaa iga fogeeya oo hay saarina, isagoo weliba aad ugu nuux nuuxsanaya inaanu ka raali ahayn.  Taasi waxay ku tusaysaaa in aanu qadiyada reer Somaliland ka raali ahayn oo weliba wax ixtiraam ah u hayn.  No wonder in prof Samatar loogu hadal hayn badan yahay internet discussion forums, especially Facebook iyo wixii la mid ah, oo dadka intooda badani aay u fasisheen inuu prof Samatar weligiiba ahaa laba wajiile aan meelna raacsanayn.

Runtii dadka reer Somaliland waa dad iska qalbi furan, oo jecel cidii wax la qabsanaysa inay soo dhaweeyaan, oo isaga denbi dhaafaan.  Laakiin waxay ahayd in qorshe fiican, oo aan xad gudub danbe lahayn aay isla meel dhigi lahaayeen dawlada Somaliland iyo prof Samatar, intaanay u ogolaan inuu uu dib ugu soo noqdo wadanka .  Hadaba prof Samatar hadii aay weli qadiyadii Somali weyn maskaxdiisa ka sii qiiqayso, dee waxay ahayd inuu sugo halkay xaaladii Somaliweyn ee uu aaminsanaa iyo tan Somaliland ku danbayn doonto, si uu markaa dhinicuun isugu biyo shubto.

Prof Samatar waxaanu leenahay hadaad huruuf iyo xumaan aad noogu bedeshay wanaagan kugu soo dhoweyney maalintii u horeysey, waxay noola eegtahay hadaanu nahay reer Somalilandka wadankan soo xoreeyey ee naf iyo maalba ku waayey, inaanu kaa fiirsan doono wixii iminka ka danbeeya.

Anigu shakhsi ahaan waxaan laba yaabanahay sida aanay saxaafada reer Somaliland badidoodu u arkayn inuu prof Samatar Khalad weyn ka galay Somaliland maalintii u horeysey ee uu cagaha soo geliyo ee calankii dulmiga ka saray reer Somaliland ee tawhidku ku qornaa uu laad iyo feedh kala hor yimid.  Somalidu waxay ku maahmaahdaa ‘’waxa uurku qarsanayey afkaa kaa xada’.

Kama danbeyntii waxaan prof Samatar  u soo jeedinaynaa wadankayaga iyo wuxuu ku suntanyahayba aadbaanu u jeclenahay oo u qadiranaa, adigana qaladaadkaaga aad ilaa iyo hada naga gashay waanu kuu tirinaynaa 1 iyo 2………………. waanaan kaa horeynaa ee la soco aboowe, weliba apology ayaan kaa sugaynaa hadaad inaba xishoonaysid.

Ali Abdi Dhinbiil

Ali.dh@hotmail.co.uk