Prof Samatar oo Ka Hadlay Khilaafka Kulmiye iyo Hankiisa Siyaasadeed

 

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo waraysi gaar ah siiyey Dalmaronline ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo door ah oo uu ugu horeeyo khilaafka ka dhex alloosan xisbiga talada dalka haye ee Kulmiye, hankiisa siyaasadda iyo waliba hadalkii ka soo yeedhay guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi ee ku aaddanaa gobolka Sool.