Prof Cali Khaliif iyo Hoggaamiyeyaasha Kooxda Khaatumo oo Firxad kaga baxay magaalada Saax-dheer, si Habqan ahna ku galay Buuhoodle

Buuhoole (SLpost)- Hoggaamiyeyaasha Kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo, ayaa firxad ku soo galay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolkaas, ka dib markii ay ka soo baxsadeen degamada Saaxdheer ee gobolka Sool oo ay muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaayeen.

Ninka ku magacaaban Madaxweynaha Kooxda Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel) oo hoggaaminaya malleeshiyo-beeleedyo iyo siyaasiyiin kale, ayaa dorraad subaxnimada ka soo baxay magaalada Saax-dheer oo ku taala Xuduudka Somaliland la wadaato Itoobiya, gaar ahaan Hawdka gobolka Sool, ka dib markii ay deegaankaas gaadheen cutubyo ka mid ah Ciidamada Qaranka Somaliland oo fadhiisimo ka samaystay, taasina ay sababtay in ay u baxsadaan magaalada Buuhoodle.

galaydhHoggaamiyeyaasha Kooxda Khaatumo oo ay weheliyaan siyaasiyiin uu ka mid yahay Siyaasiga ruug-caddaaga ah ee Cali Khaliif Galeydh, ayaa markii hore ka firxaday magaalada qadiimiga ah ee Taleex oo ka tirsan gobolka Sool, ka dib markii ciidamada Qaranka Somaliland la wareegeen gacan ku-haynta magaaladaas oo uu ka socday shir aanay dadka deegaanku isku-mawqif ka hayn ujeeddadiisa isla markaana xukuumadda Somaliland uga baqatay isku-dhac iyo nabadgelyo-darro shirkaasi ku keeno shacabka ku dhaqan deegaanka.

Indho-sheel waxa uu sheegay in Ciidamada Qaranka Somaliland fadhiismo ka samaysteen deegaanka Kala-baydh oo u dhexeeya Laascaanood iyo Saax-Dheer, balse ma sheegin sababta ay deegaankaas uga yimaaddeen inay la xidhiidho culays iyo baqdin ay ka dareemeen milatariga Somaliland.

“Way Jirtaa in Maamulku (Somaliland) iyo Ciidankiisiiba inay joogaan Saax-dheer. Magaalada Kala-baydh waxa jooga cusubyo ka tirsan ciidamadooda (Somaliland), wixii aanu ka yeeli lahaynna halkan ka sheegi mayno,” Sidaa waxa idhi Maxamed Indho-Sheel u warramayey wariye ka tirsan Telefishanka Somali Channel isaga oo ku sugan magaalada Buuhoodle.

Dhinaca kale, wararka laga helayo deegaamada hoos yimaadda gobolka Buuhoodle, ayaa sheegay wefti uu hoggaaminayo Prof Cali Khaliif Galeydh oo ka soo kicitimay magaalada Saax-dheer inay soo gaadheen deegaanka Marqaan oo ka tirsan Buuhoodle oo u dhexeeya labada magaalo, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey isaga iyo xubnaha kale ee ku weheliya socdaalkiisa, halkaas oo loogu sameeyey marti-qaad dadka deegaanku ku qaabileen, waxaana la filayaa inuu magaalada Buuhoodle kaga daba-tago Saaxiibkii Indho-sheel oo ay ka soo wada-firxadeen magaalada Taleex ee gobolka Sool ka hor intii aanay gaadhin magaalada Saaxdheer.

Ciidamada Qaranka oo laba todobaad ka hor gacanta ku dhigay degmada Taleex, ayaa la sheegay inay maalinimadii Khamiista ee todobaadkii hore ka soo baxeen magaaladas, ka dib markii kulan dhexmaray Wasiirro Xukuumadda ka tirsan iyo Madax-dhaqameedka Deegaanku si wada-jir ah u qarameeyeen 150 malleeshiyo-beeleed deegaanka ah oo ka mid noqday Milatariga Somaliland, kuwaas oo ciidamada Qaranka ee hore ugu sugnaa kala wareegay gacan-ku-haynta amniga iyo kala-dambaynta magaaladaas.

Ciidamada Qaranku waxa ay dib ugu soo ruqaansadeen fadhiisimo ay ku leeyihiin magaalada Xuddun oo 106 KM dhinaca Woqooyi-Galbeed kaga beegan degmada Taleex oo ay ka wada-tirsan yihiin gobolka Sool.

SOMALILANDPOST.NET