Prof Cali Khaliif Galaydh oo ku geeriyooday magaalada Jigjiga

 

Jigjiga (SLpost)- Allah ha u naxariistee waxa maanta magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ku geeriyooday Prof Cali Khaliif Galeydh oo dhowrkii toddobaad ee u dambeeyey ku sugnaa magaaladaas.

Prof Galeydh ayaa la sheegay inuu u geeriyooday xannuun u jiifay labadii maalmood ee u dambeeyey. Marxuumka ayaa geeriyooday isagoo da’diisu ahayd 78-jir.

Siyaasi Galeydh, ayaa dhowr maalmood ka hor bixiyey waraysi dhinacyo kala duwan uu kaga hadlay oo uu siiyey Telefishan xaruntiisu tahay magaalada Jigjiga.

Cali Khaliif Galaydh ayaa hore usoo noqday Raysal-wasaarihii ugu horreeyey ee Soomaaliya xilligii uu madaxweynaha ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan oo sannadkii 2000 lagu soo doortay shirkii dib-u heshiisiinta ee magaalada Carta ee dalka Jabuuti.

Prof Galeydh ayaa sidoo kale noqday hoggaamiyaha maamulka Khaatumo oo markii dambe heshiis la gaadhay xukuumada Somaliland oo wada-hadallo u socdeen.

Marxuumka ayaa sida uu hore u sheegay markii dambe gudaha Somaliland ka bilaabay wax uu ku tilmaamay dabliiqi siyaasadeed oo uu ku doonayey in dib loo furo dastuurka Somaliland si wax looga beddelo saami-qaybsiga Gobolka Bariga dalka.

TAARIIKH NOLOLEEDKII MARXUUM CALI KHALIIF GALEYDH

Prof Cali Khaliif Galaydh waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool 15 October, 1941-kii, halkaas oo uu ku soo qaatay qaybihiisii hore ee noloshiisa dhalinyarnimo iyo waxbarashada aasaasiga ah.

Waxbarashadii dugsiga Sare waxa uu ku dhammeystay degmada Sheekh ee gobolka Saaxil sanadkii 1962-kii. Heerka aqoonta maaddiga ah waxa uu qeybo ka mid ah ku soo qaatay jaamacado dibadda ah ilaa uu ka dhammaystay waxbarashada heerka Shahaadada PHD. 1967-kii ilaa 1969-kii wuxuu shahaadada heerka labaad ku qaatay Jaamacadda Syracuse ee magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Dhowr sanno kaddib markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay ayuu si weyn uga soo dhex muuqday saaxada siyaasadda, isagoo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya intii u dhaxeysay 1965-kii ilaa 1967-kii.

Intii u dhaxaysay 1980-kii ilaa 1982-kii wuxuu noqday Wasiirkii Warshadaha ee dowladdii Kacaanka.

Ka hor inta aan loo magacaabin xilka Raysal-Wasaaraha Soomaaliya sannadkii 2000, wuxuu noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaankii lagu yagleelay shirkii Carta.

20-kii bishii August ee sanadkii 2012-kii, Cali Khaliif wuxuu ka mid ahaa xildhibaannadii loo doortay baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo uu ilaa hadda ka mid ahaa ka hor geeridiisa.

Sannadkii 2014-kii Cali Khaliif waxaa loo doortay madaxweynaha maamulkii la magac baxay Khaatumo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net