Prof.Cabdisalaan Yaasiin Oo Ka Tanaasulay Musharaxnimadii Xisbiga Waddani

Hargeysa(SLpost)-Prof.Cabdisalaan Yaasiin ayaa ku dhawaaqay inuu tartankii musharaxnimo ee gudaha xisbiga Waddani uu uga tanaasulay musharax Cabdiramaan Cirro oo wakhtigan ah musharaxa la filaayo inuu xisbigaas doorashada ugu tartamo.

Waxa uu sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa “26 bishii 11 inaan ku dhawaaay waydinkii ogaa musharaxa ka tartamaaya xisbiga Waddani gudihiisa arintaas waxa keenay waxyaabo loo baahan yahay, tartanka iyo dimuqraadiyadu waa waxa aynu doonayno in aynu ku dhaqano, waa waxii aynu u dagaalnay ee dalkeenu ku dhaqan yahay. tartankaas aan ku dhawaaqay waxa iska badalay inaan tartankii ka hadhay sababaha aan uga hadhayna waan tilmaami doonaa, kow hadaynu nahay reer Somaliland khayar iyo nabadgalyo ayaynu ku jirnaa alle ayaynu ugu mahadnaqaynaa, dawladnimo la dhisan kari waayayna waynu dhisanay. waxaan hadalkayga ku soo gabogabaynayaa in aan ka hadhay tartankii musharaxnimo, musharaxii xisbiguna uu yahay Cabdiraxmaan Cirro, waxaynu doonaynaa in xisbigu uu si dhakhso ah taladii u qabto.”

Somalilandpost

Hargeysa Somaliland