Prof Axmed Samatar oo ka hadlay inuu Mucaarad ku yahay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa (SLpost)- Prof Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ka hadlay waxa iska beddelay taageeradii uu u hayay xukuumadda Xisbiga Kulmiye oo mabda’ ahaan uu aaminsan yahay.

 

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo xilligii ololaha taageero weyn u muujiyey isla markaana garab-taagnaa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaan haba yaraaee lagu arkin saaxadda siyaasadda iyo masraxyada taageero ee xukuumadda Muuse Biixi, waxaana jiray warar sheegay inuu khilaaf siyaasadeed soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweyne.

 

Haddaba, Prof Samatar ayaa arrintan ka hadlay munaasibad uu kaga qayb-galay magaalada Gabiley halkaas uu ka jeediyey mawduuc ku saabsan dhaqanka iyo dimuqraadiyadda.