Prof Axmed Ismaacil Samatar oo Sharraxay sida loogu guulaysan karo Wada-hadallada Soomaaliya iyo loolanka Aqoonsi-raadinta

profHargeysa (SLpost)- Prof Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa sharraxaad ka bixiyey muhiimadda ay Somaliland u leedahay fahamka Aqoonta guud ee Cilaaqaadka Caalamiga ah, taas oo uu tilmaamay shuruudda kaliya ee hortaagan guulo ay Somaliland ka gaadho loollanka aqoonsi-raadinta beesha Caalamka.

Prof Axmed Ismaaciil oo khudbad ku saabsan Cilaaqaadka Caalamiga ah (International Relations) u jeedinaya Ardayda Jaamacadaha dalka, waxa uu sheegay in wada-hadallada Somalia muhiimad weyn u leeyihiin qadiyadda madax-bannaanida Somaliland, sidaa awgeed loo baahan yahay in la xoojiyo Aqoonta iyo khibradda siyaasadeed ee hoggaanka iyo Aqoonyahannada dalku u leeyihiin Xidhiidhka Caalamiga ah, taasina ay tahay shuruudda ugu weyn ee xilligan ku gedaaman aqoonsiga Somaliland.

Halkan ka Daawo Lecture-ka Prof Axmed Ismaaciil