Prof Axmed Ismaaciil Samatar Iyo Xukuumadda Somaliland Ma Heshiisbay Galeen Mise Mansab Aan Magac lahayn – BY: Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil

Prof:Axmed Ismaaciil Samatar Iyo Xukuumadda Somaliland Ma Heshiisbay Galeen Mise Mansab Aan Magaclahayn Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil Professor(Gobanimonews) Axmed Ismaaciil Samatar ayaa tan iyo intii uu ka soo digo rogtay kana tanaasulay Siyaasaddii iyo Mabda’ii Somali wayn ee uu Muddo ka badan dhawr iyo labaatan Sanno uu aaminsanaa dhulkiisa hooyo ee Somaliland uu lugaha soo dhigay badhtamahii sanadkan oo ay taariikhdu ahayd Bishii Jun 2, 2013,kana soo degay Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal International Airbort,halkaasi uu inta uu Qiiro ooyay uu dhulka Istuuray uu Ciida dhunkasho kala daalay maadama oo uu mudo 30-Sano ku siman dibad wareeg ahaa oo aanu mar qudha dib u soo eegin Somaliland,waxana dalka si heer qaran ah loogu soo dhaweeyay madax iyo Shiciba socdaal balaadhana ku soo kala bixiyay daafaha Somaliland gobol kasta, bari ilaa galbeed. Hadii aynu dib u milicsano Erayadii uu Aqoonyahan Samatar uu madashii soo dhawaynta ee maalintaasi uu farxad yidhi oo noqday qaar bulshadda reer Somaliland u gunteen kana sugaayeen jawaab celintooda waxa ka mid ahaa ““Markaan xogta dadka ka urursado ee aan xukuumadda, odayaasha, dhalinyarada iyo bulshada Somaliland la kulmo ayaan si rasmi ah u hadlayaa” waa sidii uu u yidhi Prof Axmed. Socdaalkaasi dal barashada ah ka dib waxa uu Prof:Axmed Ismaaciil Samatar u ambabaxay socdaal dalka dibadiisa ah kaas oo uu kula kulmo Jaaliyaddaha reer Somaliland ee qurbaha dalka ku dhaqan,isla markaana si miisaan leh ugu ololeeya Madaxbanaanida iyo aqoonsi raadinta Somaliland isaga oo aan marnaba ka gabanin qudbadihiisa uu Xafladdaha iyo Kulamada uu la qaato Wufuudaha Caalamiga ah cod dheer ku sheega inay Somaliland dal Madaxbanaan tahay,ha yeesha ilaa hada lama oga Xil uu Madaxweynaha Somaliland Md Axmed (Siillaanyo) uu ilaa hada u magacaabay oo dastuuri ah.

Waxa meesha ka muuqata inay Prof:Axmed Ismaaciil Samatar iyo Xukuumadda Somaliland ay heshiis miisan culus ku fadhiya ay ku heshiiyeen balse aan nooca heshiiskaasi bulshada reer Somaliland ee sida aan kala hadhka lahayn Mr Samatar ku qaabishay aan loo cadaynin heshiiska,waxana taas kuu muujinaysa sida Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyaha ka yahay Mudane Axmed Maxamuud (Siillaanyo) ay uga hawlgashay Soo Xero gelinta Siyaasigan oo ilaa maraykanka iyo Kennya qorshaha soo xero gelintiisu ay ahayd mid isdaba taxan iyado markii uu dalka soo cagadhigtayna sido kale socdaalkiisa dal barashada ah loo xilsaaray Xubno Wasiiro ah oo ay ka mid ahaaheen Wasiirkii hore ee Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda md Cabdilaahi Cismaan Jaamac (Geeljire) ,Wasiirka Wershadaha Somaland md Md Abiid Diiriye Nuur (Abiib Timo-cad) iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan ayaa gelbis gobol kasta oo Somaliland ka mid ah ku geeyay Prof:Axmed Samatar” Ka soo goosiga Siyaasadda Somalia ee Aqoon yahan Prof: Axmed Ismaaciil Samatar ayaan iyada lafteedu ahayn mid wax si sahlan ku timid in kasta oo la odhan karo waxa ay hayd in Somaliland uu yimaado mid lama filaan ah, iyado dadweynaha reer Somaliland ku tilmaamay mid taariikhi ah balse waxa taas ka sii yaab badnayd habmaamuuska Xukuumadda Somaliland ku qaabishay soo dhaweynta iyo dal barida Prof:Axmed Samatar oo ahayd mid aan hore Masuul Siyaasi ah oo Somaliland ku soo biray hore loogu soo dhaweyn,iyado marka aynu taariikhda dib u eegno uu tusaale inoogu filan yahay sida Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Axmed Cabdi (Xaabsadde) Saleebaan Axmed Cali (Xaglo-toose)oo imikana ah Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland oo labada ahaana sido kale Hogaamiyahii Kooxda Khaatumo ee SSC oo wada hadal Xukuumadda ay wadayeesheen ka dib Somaliland ku soo biiray,iyada oo 2da ninba ay ahaayeen laba Siyaasi oo Somaliland diid hore u ahaa hayeeshe mawqafkoodii hore bedelay, waxana inooga soo baxaysa sida Xukuumadda hada jirta ay u kala qaabishay Wasiir (Xaglo-toosiye) iyo Prof: Samatar ay farqi wayni u dhaxayso oo sida loo soo dhaweeyay ay tahay meeqaam heer qaran ah Prof: Axmed Samatar iyada oo dad badani oo Mucaarid iyo Siyaasiyiin kale oo dalka u dhashayba ay in badan iswaydiiyeen kharashka badan ee ku baxay soo dhaweynta iyo waliba kooxda Wasiiradda Xukuumadda ka tirsan ee socdaalka uu goboladda dalka ku maraayay horboodaysay ” Habada Su’aasha ugu muhiimsan ee inta badan Dadweynaha reer Somaliland isweydiinayaa waxa weeyaan intii Prof: Axmed Ismaaciil Samatar Mabda Somaliland ta ah qaatay ee uu dalka ku soo laabtay Xilnooce ah ayuu talow Madaxweynaha Somaliland Md Axmed (Siillaanyo) u magacaabidoona balse may dhicin marnaba in Madaxweynahu isku shaandhayntii Masuuliyiintiisa Xukuumadda uu ku sameeyay mudadii u danbeysay aanay ku jirin haba yaraate wax Xil ah oo uu u magacaabay Prof: Axmed Ismaaciil Samatar,balse waxa meesha ka muuqata in Siyaasigan aqoon yahanka wadamadda reer Galbeedka aqoonta badan u lihi uu shaqo aan ilaa hada Xukuumadda iyo isaga laftiisu toona cadaynin uu ku hawlgalay sida dhaq dhaqaayada Siyaasadeed ee uu intii dibadaha Marayay laga dareemaayay,iyado gaar ahaan uu Prof:Axmed Samatar uu sida ka muuqata kulamadiisa iyo hadala uu shirarka iyo munaasibadaha qurbaha ka jeediyo uu ka hawl galay Fidinta Siyaasadda arimaha Dibadda ee Somaliland maadama oo uu aqoon badan u leeyahay Wadamadda Maraykanka iyo reer Yurubka oo ay u muuqatana in uu heshiis dhanka Xukuumadda iyo isagu wada galeen ay tahay sababta uu hada Somaliland ugu ololaynaayo aqoonsi raadinteeda” Waxa ay arintani Axmed Ismaaciil Samatar ku soo began tahay xili Xukuumadda Somaliland ay qiraal tahay inay dadaal badan ka geleyso Siyaasadda arimaha dibadda ee aqoonsi raadinta iyo Xidhiidhadda wadamadda reer galbeedka ah ee iyagu aaminsan Somali waynta inay ka dhaadhiciso qadiyadeeda,waxana Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed (Siillaanyo) uu hogaaminta Siyaasadda arimaha Dibadda ee dalka u magacaabay Md Maxamed Biixi Yoonis oo ah shaqsi aqoonyahan reer Somaliland ah oo Qaramadda Midoobay Xilal kala duwan ka soo qabtay isla markaana Hay’addo kala duwan iyo Wadamo badan oo Caalamka ah ka soo shaqeeyay oo dadwaynaha reer Somaliland badankoodu si wayn ugu diirsadeen markii la magacaabay in uu yahay shaqsi ku haboon aqoonsi raadinta Somaliland wax badana dalka ku soo kordhin kara, ayaa hadana waxa aan meesha ka maqnayn in ay Xukuumaddu Shirkado Caalami ah iyo Shaqsiyaad ka hawlgala Aqoonsi raadinta dalka ay heshiisyo la galaan ay la shaqo bilawday si ay Somaliland uga caawiyaan dhanka aqoonsi raadinta iyada oo ay Shirkii ugu danbeeyay ee Qaadhaan ururinta Somalida loogu qabto Brussels Xukuumaddu sheegtay inay u dirsatay Haweenay u dhalatay dalka Hindia oo Somaliland la shaqaysa,isla markaana uu Wasiirka Madaxtooyadda ee Somaliland md Xirsi Cali Xaaji Xasan uu si cad u mar uu golaha Baarlamaanka isla sanadkan ka hadlaayay u sheegay inay Somaliland xata lacag u huridoonto Hay’addo caalami ah oo ay kiraysan doonto si ay Somaliland Ictiraaf ugu raadin lahaayeen isla markaana uga hawlgeli lahaayeen Siyaasadda arimaha dibadda ee dalka. Ugu danbeyntii arinta u dhaxaysa wada shaqaynta Prof: Axmed Ismaaciil Samatar iyo Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed (Siilaanyo) waxa weeyaan 5 arimood oo qaarkoodna aan u dhaafayo inay dadweynaha reer Somaliland wax iska waydiiyaan suurta galnimada arimahaasi qaarna looga baahan yahay inay Xukuumadu ka shaafido dadkeeda ?

1:Prof: Axmed Ismaaciil Samatar ma muwaadin u istaagayba iskuna xilqaamay horumarinta iyo Aqoonsi raadinta dalkii uu ka soo jeeday ee waliba ka tirsanaayay Godob wayn oo ah in uu mudo 30 Sanno ku dhawaad ah ka soo horjeeday jiritaankiisa iyo aqoonsigiisa isla markaana dacaayado badan oo qaranimadeeda ku lidi ahna ka fidin jiray taas wax aan u daynayaa inay wax iska waydiiyaan Bulshada reer Somaliland ?

2:Xukuumadda Somaliland ma waxa ay heshay Siyaasi aqoon yahan ah (Prof Axmed Ismaaciil Samatar) oon wax xil (Mansab) ah iyo Lacagtoona danaynayn oo bilaash aqoonsiga Somaliland ku raad joogto uga hawlgalaaya oo Wakhti iyo Hantiba isagu isku qabaaya(bixinaaya),taasna waxa aan Jawaabteeda u dhaafidoona Xukuumadda Somaliland ?

3:Prof: Axmed Ismaaciil Samatar waxa weeyaan Nin aqoon yahan ah, isla markaana hawlo badan iyo shaqooyin badani ka baylahayaan sida Jaamacado uu bare ka yahay oo dalka Maraykanka uu wax ka dhigi jiray,mana aha shaqsi bilaa Camal ah oo meel iska fadhiyay, waxana Su’aasha Muhiimka ahi tahay Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar Xukuumaddu ma waxay la gashay Heshiis sida shirkadaha Caalamiga ah dalalka aan la aqoonsan ee dunida soo maray kala hawlgli jiray aqoonsi raadiskooda mise waxa jira Xil aan ilaa hada la shaacin ama magac laawe ah oo Xukuumaddu u magacawday Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar waxa looga fadhiya inay Xukuumaddu ka jawaabto taas ?

4:Xukuumadda Somaliland waxa ay ku bixisay Dhaqaale badan soo xero gelintii Prof:Axmed Ismaaciil Samatar iyo in ilaa haatan sida la warayay ay Xukuumaddu dhaqaale ku bixiso safaradiisa kana shaqayso wixii aliyaala wixii fududayn ah ee uu danaha dawlada ugu adeegaayo sida marka uu Jaaliyadaha reer Somaliland qurba jooga kulamada la qaadanaayo iyo marka uu Daneeyayaasha Qadiyada Somaliland iyo Wufuuda Caalamiga ah arimaha Somaliland kala hadlaayo hadaba Xukuumaddu ma waxa ay leedahay taasi waa Muwaadin Xilkiisii Wadaninimo gudanaaya ee maaha mid arimo aan dibada u soo bixini (Sida Xil Qarsoon iyo wixii la mid ah) ku jiraan waa mid kale oo la filaayo in ay Xukuumadu ka jawaabto ?

5:Prof Samatar hadii ay soo baxdo inay Xukuumadda in uun wax isku og yihiin ama Xil ha noqoto ama Heshiis kaleba waxa uu ku soo kordhin kara Siyaasada arimaha Dibadda ee uu haatan u muuqdo in uu dhexda ku duubtay in uu Caalamka ka dhaadhiciyo Somaliland inay tahay dal jira taas lafteeduna waa mid u baahan in wax layska waydiiyo Meeqaamka Dubla maasiyadeed ee uu Aqoonyahanki Somaliland kula shuraakoobi karo?