Pope Francis: Tahriibta Waa in Wax Laga Qabtaa

140707-pope-francis-vatican-827a_0d92620f0558de5c32c0225e297942b6

 

Hargeysa(SLpost)-Wadaadka ugu weyn diinta Masiixiga Pope Francis ayaa Axaddii shalay ka qeyliyay dhimashada 71 tahriibe oo laga dhex helay gaari xamuul ah oo looga tagay wado dhinaceed dalka Austria, isagoo shilkaasi ugu yeeray dambi laga galay bani aadnimada.

Pope Francis ayaa ugu baaqay hogaamiyeyaasha Dunida inay ka wada shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa dambiyada noocan ah ee ay galayaan mukhalasiinta dadka tahriibiya.

Jimcihiina , Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay inuu aad uga argagaxay oo uu ku qalbi jabay dhimashada ugu dambeysay ee muhaajiriinta ee laga soo warinayay labadaba badda iyo Berriga.

Dhinaca kale, dowladda Hungary ayaa sheegtay inay xirtay qofkii shanaad, oo ay uga shakisantahay inuu ka tirsanyahay kooxdii soo tahriibisay 71kii muhaajiriin ee dhintay.

Horay waxaa loo xiray sadex qof oo kale oo Bulgaria u dhashay iyo nin u dhashay Afghanistan oo kooxdan looga shakisanyahay.