Pope Francis oo Maraykanka Booqanaya

Uk(SLpost)-Wadaadka ugu weyn diinta Masiixiga ayaa Isniintii shalay ka degay magaalada Santiago, oo ahayd meeshii u dambeysay ee uu ka tago socdaalkiisii dalka Cuba, halkaas oo lagu amaanay inuu u kala dabqaado dalka hanti-wadaagga ah iyo dalka Maraykanka.

Pope-ka ayaa booqanaya qabriga goobta lagu magacaabo the Virgin of Charity oo ah meel barakaysan, ka hor inta aanu iman magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Wadaadka ayaa shalay aroortii dad badan kula dabbaal degay magaalada Holguin ee bariga Cuba, isaga oo tobonaan kun oo qof u sheegay inay Ciise raacaan.

Dhinaca kale, dhow hogaamiyeyaasha mucaaradka ah ayaa dhaleeceeyey Pope-ka oo aan isagu ogolaanin inuu ogolaado codsigoodii ahaa inay isaga la kulmaan inta uu booqashada ku jiro.