PARIS: Tiro ku dhow 100 qof oo ku naf-waayey Weerarro Caawa gilgilay Caasimadda Faransiiska

Medical staff stand by victims in a Paris restaurant, Friday, Nov. 13, 2015. Two police officials say at least 11 people have been killed in shootouts and other violence around Paris. Police have reported shootouts in at least two restaurants in Paris. At least two explosions have been heard near the Stade de France stadium, and French media is reporting of a hostage-taking in the capital. (AP Photo/Thibault Camus)

Paris (SLpost)- Weerarro Is-daba-jooga ah oo lagu tilmaamay inay soo maleegeen kooxo Xag-jir ah, ayaa caawa Saqdii Dhexe gil-gilay magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska, waxaana inta la ogyahay weerarrada ku naf-waayey ilaa 60 Qof, sida sheegeen saraakiisha ammaanka ee dalkaas.

Medical staff stand by victims in a Paris restaurant, Friday, Nov. 13, 2015. Two police officials say at least 11 people have been killed in shootouts and other violence around Paris. Police have reported shootouts in at least two restaurants in Paris. At least two explosions have been heard near the Stade de France stadium, and French media is reporting of a hostage-taking in the capital. (AP Photo/Thibault Camus)

11 ka mid ah dadkan ayaa lagu dilay Meherad laga cunteeyo, halka 15 kale ay ku dhinteen goob lagu caweeyo oo xafladi ka socotay, halkaas oo la sheegay in kooxo argagixiso ah af-duub ugu haysataan 100 qof oo kale. Sida ay sheegayaan wararka ay faafiyeen wakaaladaha wararka qaarkood, ilaa lix nin oo hubaysan ayaa gudaha ugu jira Goobta xafladdu ka socotay ee dadka afduubka loogu haysto, balse ma jiraan warar faahfaahsan oo ka soo baxay hay’adaha amaanka.

parisSida aanu ka soo xigannay wakaaladda Wararka ee AFP, laba qarax oo waaweyn ayaa laga maqlay barxadda hore ee garoonka kubadda Cagta Stade de France oo ay ka socotay Ciyaar dhexmaraysay Xulalka dalalka Faransiiska iyo Jarmalka, taas oo ku soo beegantay xilli ay ciyaartu dhammaatay oo ciyaartoygu ka sii baxeen garoonka, xilligaas oo ay ku soo beegmeen labada qarax ee bannaanka garoonka laga maqlay.

Wararku waxa ay intaas ku dareen in kooxaha lagu eedeeyey inay fuliyeen qaraxyadani ay magaalada Paris ka geysteen Lix weerar oo qorshaysan caawa, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka ee magaalada Paris. Madaxweynaha Faransiiska, ayaa kulan deg-deg ah isugu yeedhay golihiisa wasiiradda kaddib weerarran ka dhacay caasimadda dalkaas caawa.

Madaxweynaha Faransiiska  iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha ayaa la sheegay inuu ku jiray Garoonka Kubadda Cagta ee Ciyaartu ka socotay.

parissMadaxweynaha Faransiiska oo warbaahinta la hadlay, ayaa amray in la xidho dhammaan xuduudaha dalkaas inta ay socoto hawl-galka lagu baadhayo cidda weerrarada geysatay.

 

ciyaarta

la soco wixii warar ah ee ka soo kordha dhacdadan….