PARIS: Shirkii Isbedelka Cimilada Adduunka oo la Isku Afgartay

 

Paris(SLpost) Kooxaha wadahadalladu ay uga socdaan magaalada paris ee dalka faransiiska ee ka arrinsanaya isbedelka cimilada ayaa gaadhay heshiis kadib toddobaadyo shirar adag ay lahaayeen.

Wakiillo ka kala socda 190 dal ayaa illaa xalay xilli dambe isla gaadhay si ay wax uun isugu afgartaan kadib markii la is mari la’aa maadaama dal walba danihiisa ku sar-goynayo waxa soo baxaya.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Faransiiska, Laurent Fabius, ayaa soo bandhigay qorshaha kama dambeysta ah ee heshiiska isbeddelka cimilada adduunka oo ay ka shirayeen wasiirro ka kala socda dalalka caalamka.

Waxa uu ergada shirka u sheegay wasiirku in qorshahan uu ku jiro heshiis wax looga qabanayo cimilada sii kululaaneysa ee caalamka iyo sidii hoos loogu dhigi lahaa. Waxaa qorshaha la iskula gaadhay in heer kulka la gaadhsiiyo 2.0 degrees Celsius, lagana gun gaadho hammiga ah in musqabalka la gaadhsiiyo 1.5C