PARIS: Khasaare ba’an oo ka Dhashay Hawlgallo Ciidamada Faransiisku ku Baadigoobayeen Tuhunsanayaal

Rasaas culus ayaa goor dhawayd ka socotay waqooyiga magaalada Paris, iyadoo wararku sheegayaan in howlgal amni uu halkaasi ka socday.

Boolis hubeysan iyo ciidammada Faransiiska ayaa weerar ku qaaday guri ku yaalla xaafadda Saint Denis ee dibedda caasimadda Paris.

Waxa ay baadigoobayeen nin laga shakisan yahay inuu maleegay weerarraddii todobaadkii lasoo dhaafay lagu qaaday Paris ee ay ku dhinteen 129 qof.

Cabdulxamiid Abaa-Cuud, oo ah nin haysta dhalashada Belgium asal ahaana kasoo jeeda Morocco, ayay baadigoobayaan laamaha ammaanka ee Faransiiska, waxaana markii hore la rumeysnaa inuu ku sugan yahay dalka Suuriya.

Booliska ayaa sheegay in laba tuhunsanayaal ay ku dhinteen howlgalkaasi, ayna ka mid tahay haweeney isqarxisay intii uu howlgalka socday.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay afar nin iyo haweeney.

Dhowr ka mid ah booliska Faransiiska ayaa ku dhaawacmay howlgalkaasi dhacay.

Rasaas xooggan iyo qaraxyo ayaa la maqlayay intuu uu howgalka socday.

 

Wararka oo faahfaahsan goor dhaw naga fillo

 

Source-BBC