Palattini Oo Shaaciyay Inuu U Tartamayo Madaxtinimada Ururka FIFA

platiniGudoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta ee Yurub ee UEFA, Michel Platini, ayaa ku dhawaaqay in uu u tartamayo xilka madaxweynaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA.

60-jirkan khadka dhexe uga ciyaari jiray xulka Faransiiska, ayaa waxa uu warqad u diray madaxda iyo xoghayaeyaasha guud ee xidhiidhada kubadda cagta ee 209-ka ee xubnaha ka ah hay’adda maamusho ciyaaraha adduunka ee FIFA waxaanu uu ku sheegay in go’aankan uu si taxadar badan oo shaqsi ahaan ah uu u gaadhay.

Musharaxiinta doonaysa xilka madaxtinimada FIFA ayaa waxaa qasab ah in ay codsigooda gudbistaan ugu dambeyn 26-ka bisha Oktoobar ee sanadkan, iyadoo doorashadana la qaban doono bisha February ee sanadka soo socda, xilligaasoo magaalada Zurich lagu qaban doono shir aan caadi aheyn.

Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Adduunka Sepp Blatter, oo ay da’diisu tahay 79, ayaa waxa uu madax ka ahaa FIFA ilaa iyo sannadkii 1998.

Waxa uu xilka ka degayaa bisha February ka dib markii uu guddiga maamusha ciyaaraha kubadda cagta adduunka ay soo waajaheen dhibaatooyin dhanka musuq maasuqa ah.

Musharaxnimada Platini ayaa waxaa ka soo horjeestay Boqor Cali Bin Xuseen oo war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Platini aanu u wanaagsanayn FIFA.

Waxa uu sheegay in ciyaaryahanada iyo taageerayaasha kubadda cagtu ay mudan yihiin wax wanaagsan.

Isagoo intaa raaciyay in FIFA ay u baahan tahay hogaamiye cusub oo madaxbanaan oo aan falal hore ku lug lahayn.

Source: BBC News