Ololeyayaal ka dhan ah Xaaladda Suuriya oo Hadheeyey Shir-sannadeedka Waddamada G20

St. Petersburg, 07 Sept, 2013 (Ogaal)-  Shirka waddamada wershadaha ku horumaray ee G20 ee ka socda magaalada  St. Petersburg ee dalka Ruushka, waxa ajandahiisa marin-habaabiyey isla markaana siyaasad qasan ka dhex abuuray xaaladda ka taagan dalka Suuriya oo dalka Maraykanka iyo xulafadiisa qaarkood dabada ka riixayaan weerar lagu qaado.

Hoggaamiyayaasha wadamada 20-ka ah ee ka horumaray dhinaca wax-soo-saarka wershadaha ee shirkaas isugu tagay, ayaan ilaa wakhtigan wax horumar ah ka gaadhin ujeeddada shirkooda loo qabtay, waxaana arrinta dalka Suuriya iyo weerar lagu qaado meel adag iska taagay waddanka loo martida yahay ee Ruushka, iyada oo madaxweynaha dalkaas, waxaana gudaha shirka ka dhex-bilaabmay dhex-dhexaadin iyo waan-waan loogu tagay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, taas oo lagu doonayo in xal lagaga gaadho kala aragti duwanaanshahooda ku wajahan arrinta dalka Suuriya, iyada oo hoggaamiyeyaasha shirka ka soo qayb-galay ay ku cadaadinayaan Maraykanka inuu ka laabto weerarka uu qorsheeyey ee Suuriya, haseyeeshee ma jiro is-afgarad arrintaas laga gaadhay.

G20 SUMMIT 2013Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa isku dayaya inuu taageero caalami ah uga helo bulshada caalamka weerar uu ku qaado dawladda Madaxweyne Bashaar Al-Assad ee Suuri  oo loo haysto inay shacabkeeda u adeegsata hubka Kiimikada, weerar bishii la soo dhaafay ka dhacay meel ku dhow caasimadda dalka ee Dimishiq.

Madaxweyne Barack Obama, ayaa shalay la kulmay madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping oo ka soo horjeeda weerar military oo lagu qaado Suuriya, kaas oo dalka Ruushka ay iska aragti ku yihiin in xalka qalalaasaha ka taagan Suuriya aanu ku habboonayn tallaabo milatari oo laga qaado, waxayna horey codka diidmada qayaxan ugu hor istaageen qaraaro la doonayey in cadaadis lagu saaro dawladda Madaxweyne Bashaar Al-Asad, kaas oo horaantii sannadkan la horgeeyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, ayaa ka digay qalalaase ka dhasha weerar milatari oo lagu qaado dalka Suuriya, kaas oo uu ku tilmaamay inuu sii xumayn karo xaaladda gobolka Bariga Dhexe.

SOMALILANDPOST.NET

Conctact@somalilandpost.net