Ololaha Wacyigelinta Badbaadinta Shinnida Oo Hargeysa Lagaga Dhawaaqay

 

Hargeysa (SLpost)- Olole loo bixiyey badaadinta shinnida oo dadka lagu baraarujinayo in shinnadu u baahan tahay daryeel iyo badbaadin, ayaa maanta lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa.

 

Ololahan oo uu hindisay suxufi Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare), ayaa shaacintiisa waxa ka qayb galay bahda warbaahinta, dad aqoon u leh dhaqashada shinnida iyo dhalinyaro maskax iyo waxtar kaleba ka gaystay hirgalinta ololaha.

olole11

Cabdishakuur Heersare oo sharaxaad ka bixinaya sababihii ku kallifay ololaha ayaa yidhi: “Ilaahay mahadi ha ka gaadhee waxa maanta noo suurta gashay in aanu Hargeysa kaga dhawaaqno Olole aan in muddo ah ka fikirayay hirgelintiisa. Kaas oo aan u bixiyey “Ololaha wacyigelinta badbaadinta shinnida.” Waa olole xanbaarsan in shinnida la badaadiyo, la daryeelo lala saaxiibo isla markaana loola dhaqmo wax lala noolaan karo. Mar kasta oo aan maqaaxiyaha shaaha iyo hudheelada waa weyn ba aan tago waxa aan ku arkaa shinni fara badan oo ku dhex dhimanaysa shaah kulul oo laga tegay ama biyo dusha ka furan ba.”

Cabdishakuur Heersare wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi: “Xilliyadan-na shinnidu ma hesho ubuxii ay malabka ka samayn jirtay ee iyadoo qaxoonti ah ayay magaalooyinka soo gashay. Sidaa darteed waxa loo baahan yahay in nabadgelyo lagula noolaado oo la soo dhaweeyo, lana xannaaneeyo.”

 

Heersare ayaa sheegay inuu shinnida muddo hore uu ka shaqayn jiray illaa hadanna aanu joojin. “Aniga shinnidu noloshayda aad ayay ula fal gashay, malabkeedu gurigayga kama dhammaado. Waayo waa dawo rabbaani ah. Xilli ku siman 1998kii ayaan dhex galay shaqada shinnida illaa haddana waan ilaaliyaa. Buuggaygii qalinjebinta shaahadada koobaad ee Jamacadda 2008dii waxa aan ka qoray doorka wax-soo-saarku shinnadu ku leeyahay kobcinta dhaqaalaha gaar ahaan gobolka Maroodijeex.” Ayuu yidhi Cabdishakuur Heersare.

 

Waxaana hal-ku-dhigyada uu Cabdishakuur sticker-ka ku qoray ka mid ah: “Ka badbaadi oo ka saar marka ay ku dhacdo shaaha kulul, biyaha iyo dareere kasta oo sababi kara inay ku dhimato.” iyo: “La saaxiib shinnida oo iska saar cabsida ah inay ku qaniinayso.”

 

Wuxuu u soo jeediyey dadka shinnida dhaqda inay xannaaneeyaan oo ay u sameeyeen waxa ay cunto, isla markaana haddii ay awoodaan ay u beeraan ubax ay cunto. Waxa uu Cabdishakuur u mahadceliyey cid kasta oo ololahan kala qayb qaadatay: “Waxa aan si gaar ah ugu mahadcelinaya bahda warbaahinta oo ololaha baahintiisa ku hawlahan iyo dad si gaar ah maskax iyo waxtar kaleba uga gaystay haddii ay tahay daabacadda stickers-ka iyo naqshadayntiisaba kuwaas oo kala ah; Mahdi Sheekh Cabdi Axmed, Nuura abwaan Cali Banfas, Saynab Maxamd Cabdi, Khadar Nuux Yoonis, Xamse Cali (Jeesto), Cumar Serbia, Mahad Jaamac Koronto, Xamse Cumar-ku-joog iyo Maxamed Shinniile.” Ayuu yidhi Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare).

olole1

Maxamed Daahir Yuusuf (Maxamed Shinniile) oo isna ka hadlay ololaha badbaadinta shinnida, ayaa sheegay in shinnadu tahay noole uu ilaahay karaameeyey una baahan daryeel: “In caqli loo yeesho oo laga fikiro isla markaana lala saaxiibo shinnida ayaa loo baahan yahay. Saaxiibtinimadeeduna horumar ayuu ku gaadhsiinayaa. Hargeysi berigii hore may aqoon shinnida oo way ka ducaysan jirtay waana ay daadin jirtay, laakiin maanta aad ayaa loo yaqaannaa oo horumar ayay leedahay. Waa la soo dhawaystaa oo waa laga faa’idaystaa. Inankan (Heersare) waan u taagnaa meel u ka soo uruurinayay oo uu xannaanaynayay.” Ayuu yidhi Maxamed Shinniile.

olole5

Wuxuu intaa raaciydy oo uu yidhi: “Shinnadu dawooyin ayay leedahay oo micideedaa laga cararayo ayaa dawo ah. Xiddida, roomatiisanka iyo qaniinyada dacawada iyo ayda waaalan meel kale dawadooda lagama keeno waxa laga keenaa shinnida irbaddeeda.” Ayuu yidhi Maxamed Shinniile.

 

Waxa kale oo uu sheegay in waajib bulshada ka saaran yahay shinnada: “Shinnidu waa waxyi eebbe qofkii u naxariista ilaahay na wuu u naxariisanayaa. Dhibaatooyinkana ha laga ilaaliyo.” Ayuu Yidhi Maxamed Shinniile.

 

Waxa isaguna goobta lagu shaacinayey ololaha ka hadlay xildhibaan Siciid Maxamed Libaax oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland oo sheegay in ololahani yahay mid loo baahnaa, isagoo sheegay inuu ka qayb qaadanayo hawlaha ololaha: “Inanka fikirkan keenay iyo saxaafadda ba aad ayaan ugu hanbalyaynaa hawshan ay waddaan oo ah kulankan maanta loogu hiilinayo shinnida oo ah door muhiim ah oo loo baahan yahay. Ilaahay wuxuu kugu eegayaa sida aad u ilaaliso xayawaanka ama noolihiisa, haddii aad ilaalin waydo isna kuma ilaalinayo. Waxa kale oo aan ku hanbalyaynayaa hawsha ay jeebkooda ka soo diyaariyeen oo aan ahayn mashruuc la qortay oo lacag lagu doontay.” Ayuu yidhi xildhibaan Siciid Maxamed.

 

Wuxuu xildhibaanku sheegay inuu ka qayb qaadan doono in shinnidu nabad hesho, isagoo dadka u jeediyey inay nabad kula noolaadaan oo haddii ay ku soo xoonto qof shaah cabbaya inuu wax yar meel ugu shubo.olole2

Xamse Mustafe Cali Cumar-ku-joog ayaa isna halkaa ka caddeeyey in shinnidu tahay noolaha keliya ee ilaahay sida tooska ah ugu waxyooday, isla markaana suurad qur’aanka ku jirta magaceeda loo bixiyey.

Waxaana uu sheegay in nebigu (NNKH) uu mu’miniinta uu faray inay wanaagga kaga daydaan shinnidda, waxaana Xamse yidhi: “Waxa aan jeclahay in aan hal xadiis soo qaato. Wuxuu nebigu (NNKH) leeyahay ‘ilaaha ay nafta nebi Muxammad gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartee wuxuu qofka mu’minka ahi u dhigmaa oo uu la mid yahay shinnida. Shinnadu wax wanaagsan ayay cuntaa, waxa caloosheeda ka soo baxaana waa wax wanaagsan, meel haddii ay isku taagtana ma fasahaadiso mana jebiso.’ Markaa nebi Muxammad (NNKH) ayaa innaga oo mu’miniintiiya ina amray in aynu sifooyinkaa wanaagsan ee shinnadu leedahay aynu kaga dayanno. Markaa aad iyo aad ayaan ugu faraxanahay in aan ka soo qayb galo ololahan. Ummada waxa aan u soo jeedin lahaa sidaa la inoo sheegay in aynu la xaasiibno shinnida.olole3

Waxa iyana halkaa ka hadashay Saynab Maxamed Cabdi oo ka mid ah bahda warbaahinta oo sheegtay in saxaafadda looga baahan yahay sidan oo kale in la hinddiso ololeyaal kale oo fikirka iyo nolosha dadka ba wax ka beddelaya: “Wax badan ayaa jira oo haddii aynu samaynno aynu wanaag iyo ajar aynu ka helaynno oo ay ka tid tahay ololahan badbaadin shinnida ee aynu maanta u fadhino. Waa arkaysaan oo cid soo jeedisay iyo cid naga maalgelisay ba ma jirto. Cabdishkuur Heersare ayay maskaxdiisa ka timi, annaga ayaa u heellan in aanu tan iyo mid kaleba aanu qabanno. Markaa aniga maanta aad ayay ii farxad gelinaysaa in aynu ku heshiinnay ka shaqaynta nabadda shinnida.” Ayay tidhi